hadhwanaagnews
Dimishiq (Hadhwanaagnews.com): Taliyihii hore ee Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya ee loo soo gaabiyo SDF, Mazloum Abdi, ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray hawlgalkii ciidamadii madaxbannaan ee SDF, isla markaana ciidamada iyo hay’adahooda si buuxda loogu darayo hay’adaha dowladda Suuriya.
Mazloum Abdi oo shir jaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Dimishiq ayaa sheegay in go’aanku ka dhigan yahay dhammaadka hawlgalka Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya iyo kala dirista ciidankii madaxbannaan.
Abdi ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, uu muujiyey mowqif furan oo ku saabsan xuquuqda dadka Kurdishka ah, gaar ahaan waxbarashada afka Kurdishka.
Taliyihii hore ee SDF ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid taariikhi ah, isaga oo sheegay in Suuriya ay galayso marxalad cusub oo ku salaysan nabadda, xasilloonida iyo dib-u-dhiska dalka.
Waxa uu yidhi:
"Waxaan rabnaa in maanta ay calaamad u noqoto bilowga kala-guur dhab ah oo ka imanaya goobaha dagaalka una gudbaya goobaha dib-u-dhiska, laga bilaabo xilligii hubka una gudbay xilligii nabadda.”
Go’aanka ayaa soo afjaraya jiritaankii SDF oo ahaa ciidan madax-bannaan, kaddib ku dhawaad sanad iyo badh oo wada-hadallo u dhexeeyey SDF iyo dowladda Suuriya.
Ku dhawaaqista ayaa timid kaddib kulan dhexmaray hoggaanka SDF iyo Madaxweyne Axmed al-Sharaa oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee Dimishiq.