Maxay Kala Qabteen Waddani iyo Qudhmiye Q.2aad ( Abdi-Shotaly).

Wednesday August 20, 2025 - 17:47:48
hadhwanaagnews
* N.B Wahabkii Iillaah Naga Dul-qaad iyo Wareerkii Shalaye!

Qaybtan 2aad waa 8 bilood ee CIRRO joogay siduu dalka iyo dadka u dhisay

Hor-Dhac:-
(1) Wahabkii Illaah naga dul-qaad, iyo wareerkii shalaye,
(2) Ummaddii is wadda wayday baa, Wiil u soo kacaye,
(3) Waa kuwaa walalaaha noqday, oo laysku diri waaye, (4) Wadhi-doodda kuwii abid jeclaa, ee waran isugu dhiib,
(5) Wax la cuno kuwii raadin jirey, ee ummadan weeteeyey, (6) Imikay wisiisiga cid-ladda ay wakina-yaane,
(7) Nabsi baa hadeer wadda wanjalay, wiirsina u dheere, (8) Waa kuwaa siddii bahal dib-jira, weehday goon-yaha'e.
(9) Habeen-kay wareegaan, sidda waraabaaye,
(10) Waa kuwaa is wadda laayeyee, liita waayahane,
(11) Wixii ay dhitays-teen baa HLhadeer, gooyey wiiq-yada'e, (12) Wadan-kaa is wadda raacay bay, waali naxayaane,
(13) Allhayaw nin Weyn baan ahee, maxaan waayo soo joogay.

Intaas dabadeed, waxaynu hore u soo aragnay qaybtii 1aad ee ka hadlaysay maamulkii 2da askari ee qudhmiye, ee imika u soo jeeso qaybtii 2aad iyo waxa qabadka Xusbiga Waddani.

Waxa la yidhi " Nabad baa neecaw macaan iyo naas la nuugo leh" ee waatan nimcaddii. Muwaadin hadaba aan kugu soo duwo dhan-dhanka maamulka Xukuumadda " Wadda-Jir Iyo Wax-Qabad" Ee Madax-Weyne Cirro dhisay ee iga qabo waa tane:- horta isha baa macalin ahe, la kaasho adoo miyr qaba maan-kaagga iyo maskax-daadda, adiga oon cidina kaa dambay. Ugu horayn waxay maamulka ka sintay Xukuumad-dani dhamaan beelaha S/Land, ogaw oo waxay jirtay oo qudha 8 bilood oo keliya, sidaas oo tahay haddii aanad daacadda ka soo hor jeedin, beena, iyo cuqdad-na aanad isku maaweeli-naynin ila akhari, oo qir runta:-

* Waxa la qarameeyey dhamaan ciiddmo beeleed-yaddii beeluha ay gaar u lahaayeen. Ee khatarta ku ahaa ammnigga si aanay reerahu isugu dareerin, waa intay garan waayeen 2ddii askariye.

* Waxa la kordhiyey musha-harkii ciidamada kala duwan ee qaranka nooc ay yihiin-ba, weliba guryo loogu dhisay, waa lacagtii la cuni jireye, ilayn dalka way ka shaqaysa-nayeen kuwii hore'e

* Waxa sare u kacay oo aduunka meel kaste gaadhay magaca S/Land, oo " Ictiraaf " raadintii baa hadda buux-santay, haddii Alle Idmo-na dhawaan la arki doonaa si dhakhaso ah. Ilayn hore looma jeedine.

* Waxay joojisay dhamaan "Musuq-maasaqqii iyo is daba-marintii hantidda ummadda Lagu cuni jirey, ilayn waa laga xoogsa-naayaye.

* Waxay dhistay, wadooyinka Boorame ilaa Baki, Dilla ilaa Boorame, Garoonka diyaaradaha ee Boorame, Hargeysa ilaa Bali-gubadle, Salxley ilaa Hargeysa, waxay imika wadaa wadadda Burco-Oodweyne-Hargeysa, dayac-tirka wadadda ceerigaabo iyo dhamays-tirkeedda. Ilayn dan kamay lahayne ee booba yaa waddani buu xaalku ahaaye.

* Waxay biyo gelin baladhaan ka hir-gelisay, qaar-na Wadaa hadaa, Boorame, Saylac, Gebiley, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Sanaag oo hadda loo wado qorsho.

* Waxay Qiime-dhimis ku samaysay Laydhka, hargeiysa, Berbera, boorame, iyo Burco uu maanta joogo M/weyne Cirro.
 
* Burco iyo maanta waxa bilaab-maysa wadadda Burco-Oodweyne-Hargeysa, dhismaha dugsiggii farsamadda gacanta, dhismaha Guriggii lagaga dhawaaqay S/Land, qiima-dhimista laydhka, dhakhtarka igu wey bari, qaadashadda passport-ka S/Land, kaadhka dhalashadda, shahaadooyinka dugsi-yadda dhex, kuwa sare iyo digriiga ( Degree-ga jaamacadaha), akhristaw haddii aynaan is waalayn, mudadan 8 sideedda bilood ah, lama arag wax sidaas wax u sameeya ama qabta.

* Waxa gogol nabadeed la dhigay Sool iyo Sanaag, oo waxa is taagay isku duulkii joog-tadda ahayd, inkasta oo aanay weli dhamays tirmin nabaddii, Insha-Allah-se way inoo buux-sami doontaa dhawaan.

* Waxa meesha ka baxay beelihii seefta la isugu dhiibi jirey iyo isku dirkii foodda la isu gelin jirey. Bara-kicii ummadda dhul-koodda cagafta la gelin jirey, sidda buurta kala jeexan, ee la odhan jirey Awawgay baa lahaa, metered iyo ganacsato kasta lagu xukumi jirey in uu askariga ka siiyo qayb khasab ah.

* Waxa iyana dhamaatay cabudhintii Xoriyatal-qawlka, iska xidhikii iyo beri baan Mujaahid ahaa, taas oo aanay wax-ba ka laakiin xukunka lagu adkaysan jirey. Muwaadin ka dhamaan mayno haddii aynu ilaa beri iyo saadambe wadno, ee waxan filayaa in ay tusaale kuu noqoto intaadi, ee adoo mahadsan si wacan u fahan.

Dhamaad.

* N.B Wahabkii Iillaah Naga Dul-qaad iyo Wareerkii Shalaye!
Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...