Xukuumadda Somaliland oo ku Dhawaaqday in Cudurka Jadeecadu Dalka ka Dilaacay

Tuesday May 13, 2025 - 17:38:17
hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
Hargaysa  Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurka Jadeecadu ka dilaacay dhammaan gobollada dalka, waxaanay caddaysay in cudurka Jadeecadu uu ilaa hadda soo ritay dad gaadhaya 227 qof guud ahaan dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, oo arrintan ka hadlay ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in gobollada Maroodi-jeex, gaar ahaan Hargaysa iyo gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera ay aad ugu badan yihiin kiisaska dadka laga helayo cudurkani.

Sidoo kale, Agaasimaha guud waxa uu sheegay in aanay wali jirin kiisas dhimasho ah oo la xidhiidha cudurka Jadeecada, balse ay jiraa kiisas aad u daran oo ay ka muuqdaan calaamadihii cudurkani, kuwaasi oo u jiifa Cisbitaaladda iyo guryaha, isla markaana ay jiraan bukaanno ka soo kabtay cudurkan Jadeecada
     
Loading...