Xukuumadda oo Joojisay Ciid Jabuuti ka Raran jirray Gobolka Salal

Wednesday April 30, 2025 - 11:13:55
hadhwanaagnews
Wareegto uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud...



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa joojisay ciidda niista ee dhismayaasha loo isticmaalo, oo dalka Jabuuti uu ka raran jiray gobolka Salal ee Somaliland.

 

Wareegto uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somalialnd, Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa gabi ahaanba lagu joojiyay rarista ciiddaas loo adeegsado dhismayaasha laga hirgelinayo gudaha dalka Jabuuti.

 

"Waxaan go’aamiyay in taariikhda 28, 4, 2025 aan joojiyay ciidda niista ah ee laga raro gobolka Salal.

 

Sidaa darteed, waxaan masuuliyiinta uu qoraalkani khuseeyo farayaa inay hirgeliyaan wareegtadan, ilaa amar dambe kasoo baxayo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta,” ayaa lagu yidhi wareegtada.

     
Loading...