Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la filayaa in bisha July ee sannadkan 2025 ay martigeliso shirweyne ballaadhan oo isugu jira ganacsi iyo maalgashi, kaas oo lagu rejo weynyahay inuu noqdo mid taariikhi ah marka laga eego dadaalka ay Somaliland ugu jirto kobcinta dhaqaalaha, abuurista fursado shaqo, iyo kor u qaadista sumcadda ay dunida ku leedahay. Waa talaabo istaraatiji ah oo muujinaysa sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay inay si cad u muujiso fursadaha dahsoon ee dalku leeyahay, iyada oo si toos ah u wajahaysa maalgashadayaasha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa reer Yurub.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa muujiyay sida ay xukuumaddiisa uga go’antay in Somaliland ay hesho maalgashiyo waaweyn oo shisheeye iyo iskaashiyo caalami ah oo la xidhiidha horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa uu waddamada dunida u soo bandhigay fursadaha maalgashi iyo dhaqaale ee ay haysato Somaliland, sidoo kale waxa uu iftiimiyay in dalkiisu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah oo u baahan in laga faa’iidaysto, mar uu khudbad ka jeediyay shirkii caalamiga ahaa Dubai (Feb 11 – 12, 2025).
Wakiilka Somaliland u fadhiya Midowga Yurub, Danjire Kaysar Cabdilaahi Maxamed, oo la hadlay wargeyska NAPI ee dalka Hungary, ayaa si hufan u iftiimiyay doorka muhiimka ah ee shirkan. Isaga oo ku boorriyay shirkadaha Yurub iyo kuwa kale ee caalamiga ah inay si dhab ah u tixgeliyaan ka-qaybgalka shirweynahan, si ay u sahamiyaan fursadaha ballaadhan ee maalgashi ee dalka ka jira.
Tani waa fursad qaali ah oo aan marar badan la helin, in maalgashadayaasha caalamiga ah ay indhahooda ku arkaan isbeddellada ay Somaliland samaysay soddonkii sanno ee lasoo dhaafay: laga soo bilaabo xasilloonida siyaasadeed, ilaa nidaamka dimuqraadiyadeed ee ay ku qabsoomaan doorashooyin xor ah, iyo koboca dhaqaalaha suuqa xorta ah ee aanay dawladdu si toos ah faro gelin ugu samayn.
Waxa kale oo aan la inkiri karin muhiimadda istiraatijiyadeed ee Somaliland leedahay, iyada oo Somaliland ay ku taallo mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan dunidas ee juqraafiyeed: agagaarka Bab Al-Mandeb iyo Kanaalka Suweys, halkaas oo ay maraan ku dhowaad saddex meelood meel maraakiibta adduunka. Goobtaas oo kaliya ayaa Somaliland ka dhigaysa waddan aan lagu dhego hadal oo mudan in si weyn loogu tixgeliyo maalgashiga iyo iskaashiga ganacsi.
Intaa waxa dheer, kaydka macdanta ee Somaliland oo ay ku jiraan khayraad badan oo dabiici ah iyo macdano naadir ku ah dunida, kuwaas oo fure u noqon kara koboc dhaqaale oo xawli leh, haddii la helo maalgelin sax ah iyo farsamooyin casri ah. Waxa xukuumaddu si cad u sheegtay inay diyaar u tahay iskaashi lala yeesho ganacsatada gaarka loo leeyahay si loo fuliyo mashaariic waaweyn oo kaabayaal ah, kuwaas oo u baahan maalgelin sare oo ka baxsan awoodda dawladda.
Somaliland ma ahan oo keliya meel ay fursado ku jiraan, waa dal ay fursaduhu bisil yihiin. Shirweynahan la qorsheeyay waxa uu noqon karaa albaabka laga galo mustaqbalka dhaqaale ee Geeska Afrika. Waa waajib saaran ganacsatada iyo maalgashadayaasha in ay fursadan ka faa’iidaystaan, waana waajib saaran Somaliland in ay si xirfadeysan u muujiso wax kasta oo ay u baahan tahay si ay u noqoto goob la isku hallayn karo: Somaliland waxay isu diyaarinaysaa in ay adduunka la jaanqaado oo ay wax la qabsato.