Dahab-Plus oo si Weyn uga Dhex Muuqday Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa

Wednesday July 30, 2025 - 10:15:53
hadhwanaagnews
Adeegyada ay shirkadda DahabPlus ku soo bandhigtay




Shirkadda DahabPlus oo ka mid ah shirkadaha Dahabshiil Group ayaa si mug leh uga dhex muuqatay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, oo sannadka markiisii 18aad lagu qabtay caasimadda Somaliland. DahabPlus ayaa kamid noqotay ka-qaybgala-yaasha ugu firfircoon ee bandhigga, iyada oo si dhow ula falgashay martida bandhigga ka qayb-qaadanaysa oo isugu jira wufuuda caalamiga ah iyo bulshada reer Somaliand.

 

Intii uu socday Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, shirkadda DahabPlus waxay si toos ah u soo bandhigtay adeegyadeeda maaliyadeed ee casriga ah, adeegyadaas oo loogu talagalay in ay fududeeyaan nolosha macaamiisha, horena u sii wadaan kobcinta dhaqaale ee bulshada. Fursadan oo shirkadu u diyaarisay in ay la faa’iidaystaan bulshada reer Somaliland iyo martida caalamiga ah ee ka soo qayb-galan badhigan.

 

Adeegyada ay shirkadda DahabPlus ku soo bandhigtay cawrada buugaagta Hargysa waxaa ka mid ahaa adeegga Lacag diris gudaha iyo dibadda, kaas oo ahy adeeg ku caanbaxay degdegsiimo iyo hufnaan, isla markaana ammaan ah kaas oo u suurtagelinaya dadku in ay si sahal ah u kala xawilaan lacag.

 

Adeegga DahabPlus Mastercard oo ah kaadh caalami ah oo macaamiishu ku isticmaali karaan lacagtooda meel kasta oo ay dunida ka joogaan iyo Adeegga Kushabasho oo ah adeeg heer caalami ah oo ay si gaar ah u bixiso DahabPlus, kaas oo la jaanqaadaya baahiyaha maaliyadeed ee xiligan casriga ah.

 

Shirkaddu waxay sidoo kale goobta bandhigga ku soo bandhigtay khibrado iyo xalal maaliyadeed oo casri ah iyo waayo-aragnimo qoto dheer ay shikaddu u leedahay maaraynta hababka maaliyadeed ee kala duwan, kuwaas oo loogu talagalay bulshada kala duwan, si gaar ahna loogu danaynayo hal-abuurka, waxbarashada, ganacsiga iyo bulsho kobcinta guud ahaan.

 

Ka-qaybgalka DahabPlus ee bandhiggani wuxuu noqday fursad muhiim ah oo lagu muujiyay doorka weyn ee adeegyada maaliyadeed ee digitalka ah ee ay bixiso shirkadda DahabPlus ay ku leeyihiin horumarka bulshada. Waxa kale oo uu ahaa madal ay shirkaddu ku xoojisay is-dhexgalka ganacsi iyo kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku saabsan adeegsiga adeegyada casriga ah.

 

Martidii ka qayb-gashay bandhiggan oo isugu jiray wufuud caalami ah oo ka kala socday waddamada dunida, iyo muwaadininta reer Somalialnd ayaa si weyn ugu riyaaqay adeegyadii DahabPlus. Mid ka mid ah ka qaybgaleyaasha ajaanibta ah ayaa tidhi "DahabPlus waxa haysta asxaabtayda oo dhan. Waxay iga dhaadhiciyeen inaan lacag ku kaydsan karo anigoo qurbaha jooga.”

 

Sidoo kale, mid ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee goobta laga siiyey adeegga ayaa tidhi: "Waxaan ku faraxsanahay maanta in application-ka DahabPlus la ii sameeyey. Insha Allah, waxaan rajeynayaa inuu iga anfici doono gudaha iyo dibadda dalka. Markii ugu horraysay ee aan soo galay bandhigga buugaagta, waxaan si toos ah isha ugu dhuftay DahabPlus. Waxaan u mahadcelinayaa shirkadda DahabPlus iyo guud ahaan Dahabshiil Group.”

 

DahabPlus waxay mar kale xaqiijisay doorkeeda hoggaamineed ee dhinaca adeegyada maaliyadeed ee digitalka ah, iyadoo adkeynaysa sida adeeg casri ahi uu u noqon karo tiir-dhexaadka horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha.

     
Loading...