Siyaasi Maxamuud Warsame oo ka Baxay Xisbiga KULMIYE ka dib 12 Sanno oo uu Xisbiga la soo Maray Halgan Dheer

Wednesday July 30, 2025 - 10:12:14
hadhwanaagnews
Siyaasi Maxamuud Warsame Jaamac, oo waraysi gaar ah siiyay



Siyaasi Maxamuud Maxamuud Warsame Jaamac ayaa si rasmi ah u shaaciyey in uu si rasmi ah uga baxay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, kaas oo uu ka tirsanaa muddo 12 sanno ah. Mudane Maxamuud waxa uu ka mid ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbga. Isaga oo xilal kala duwan oo heer wasiirnimo ah ka soo qabtay xukuumaddihii xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay in go’aankiisa is casilaadiisu uu ay yahay mid ku saleysan xaaladda iyo nidaamka siyaasadeed ee xiligan ka jirta xisbiga gudihiisa.

Siyaasi Maxamuud Warsame Jaamac, oo waraysi gaar ah siiyay telefiishanka Sahan Tv ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE uu gacanta u galay koox gaar ah oo dano gaar ah leh, kuwaas oo uu tilmaamay in ay lumiyeen tiirarkii dimoqraadiyadeed ee xisbiga gudihiisa iyo kalsoonidii bulshada, waxaanu si faahfaahsan uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan xisbiga Kulmiye gudihiisa.

Maxamuud Warsame ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga Kulmiye aanu wakhtigan ahayn xisbigii ay wada-lahaayeen shacabka iyo haldoorka Somaliland, isla markaana masiirkii xisbiga KULMIYE uu gacanta u galay koox gaar ah oo isu arka in iyaga iyo deegaannada ay ka soo jeedaan ay yihiin mulkiilayaasha xisbiga KULMIYE.

"Xisbiga KULMIYE koox gaar ah ayaa yeelatay. Taladii waxay ku soo ururtay kooxo gaar ah oo isu arka in ay iyagu gooni u leeyihiin xisbiga ama xisbiga wada-lahaanshihiisu uu iyaga ka dhexeeyo. Sidoo kale, waxaa la laabay sharcigii xisbigu lahaa kaas oo ahaa mid dhigaya qawaaniinta wada-lahaanshaha iyo xubinimada xisbiga, kaas oo ahaa ka lagu soo galo lagagana baxo xisbiga, waxaana muuqata in kooxdaasi aanay u jeedin in dib loogu noqdo sharcigii xisbiga. Markaa haddii sharcigaas la laabay, waxaan go’aansaday in aan xisbiga macasalaameeyo” ayuu yidhi Maxamuud Maxamuud Warsame Jaamac.

Siyaasi Maxamuud oo sharraxayay sababaha ka tagistiisa xisbiga KULMIYE, kadib muddo 12 sanno ah oo uu si hagar la’aan ah ugu shaqaynayay xisbigaas isla markaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay, waxa uu yidhi "Waxaan maanta si rasmi ah uga uga tagayaa xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, kaasoo aan ka mid ahaa muddo 12 sanno, aniga oo ahaa mid ka mid ah dadka taageerada u raadinayay, xilal bandanna ka soo qabtay, isla markaana aan waqtigaygii ugu badan geliyay, aniga oo laba madaxweyne kula soo shaqeeyay. Waxaan go’aansaday inaan shaqadii xisbiga halkaas ku joojiyo,” ayuu yidhi Siyaasi Maxamuud Warsame.

Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in go’aankiisa ka tegista xisbiga Kulmiye uu ku saleysan yahay saddex sababood oo muhiim ah, "Anigu waxaan ka mid ahaa xubnaha xisbiga KULMIYE, sidoo kale waxaan ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga. Maanta waxaan go’aansaday inaan ka tago xisbiga, iyadoo aan ka tegayo saddex qodob awgood: sababahaasi maaha in xisbiga KULMIYE uu dhacay ama taladi laga wareejiyay, mana aha inaan uga tagayo xilkii aan ka hayay, sidoo kale maaha inaan meel kale ka raadinayo xil kale,” ayuu yidhi.

Maxamuud Warsame ayaa tilmaamay in xisbiyada qaranka ee uu ka midka yahay KULMIYE ay Somalialnd u samaysatay hirgelinta iyo horumarinta dimuquraadiyadda, si xisbiyadu ay noqdaan kuwo lagaga baxo qabyaaladda iyo kala qoqobka, balse xisbiga Kulmiye uu hadda u dhaqmay si ka duwan intii uu jiray, isla markaana uu ka leexday hannaankii muquraadiyadeed iyo sharcigii xisbiga u yaallay.

Siyaasi Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Xisbiyada waxaynu u samaysanay dimuquraadiyadda, isla markaana aynu kaga baxno qabyaaladda iyo is kala qoqobka, muddadaa 12 ka sannadood ee aan ka tirsanaa xisbiga KULMIYE aniga oo ka soo jeeda deegaanada Madaxweynaha maanta ee shalay mucaaridka ahaa Madaxweyne Cirro aniga oo muddadaas aan ka soo horjeeday aragtidiisa isla markaana aan xambaarsanaa aragtida madaxweynayaashii ka horreeyay ee Mudane Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi.”

Wuxuu hoosta ka xariiqay in xisbiga Kulmiye uu wajahayo kala qeybsanaan iyo loolan kooxeed, taasoo dhibaato ku ah mustaqbalka xisbiga iyo guud ahaan siyaasadda Somaliland. Waxaanu yidhi "Xisbigii KULMIYE ee aanu taladiisa wax ku lahayn ee aan 12-ka sannadood u shaqaynayay, maanta isaga oo dhacay waxaanu eegaynay in la isu yimaado oo talo guud la sameeyo oo wax la is waydiiyo oo la yidhaahdo maxaynu ku dhacnay doorkii mucaaradnimada sidee ayaynu u qaadan karnaa, side ayaynu u soo celin karnaa mustaqbalkii xisbiga KULMIYE. Waxaa caddaatay in ay jirto taas bedelkeedii iyada oo ay soo ifbaxday in xisbigtii la isku qabqabsado in la is kala qoqobo, in deegaano badan oo Somaliland aanay dhammaantood taladii xisbiga waxba ku yeelan.”

     
Loading...