Dhabka kale Ciidanka Dabdemiska Berbera ayaa dammiyay
Isla markiiba ciidanka Dabdemiska ayaa goobta gaadhay waxaana ciidanku dabkaa ku hakiyeen halkii uu ka bilaabmay, iyagoo isticmaalaya haamaha Dabdemiska ee loo yaqaano ( Dry powder).
Goobtan oo ay ku yaaleen Ganacsiyo farabadan ayaa ciidanku badbaadiyay ganacsiyadaa ku yaalay goobtaas.Xilliyadan oo lagu jiro wakhtigii dabayl xagaaga, dadku ka digtoonaadaan khatarta dabka.
Shirkadaha Korontadu waa inay Haamaha Dabdemiska dhigaan goobaha halista ah.
Dhabka kale Ciidanka Dabdemiska Berbera ayaa dammiyay dab qabsaday guri jiingada oo ku yaalla xaafadda Xudhuunka ee degmada Wada-jir.
Dabkan oo ahaa mid aad u xooggan ayay ciidanku ku xakameeyeen isla gurigii uu ka bilaabmay, iyadoo xaafadda ahayd guryo aad isugu dhaw-dhaw.
Ciidanka Dabdemiska Berbera waxay ku wargalinayaan dadwaynaha in hore loogu Soo wargaliyo marka dabku bilaabmo.
Hadii aad u baahato gurmad degdeg ah soo wac 990 shirkadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco.