Wasiir Aadan Barre oo munaasibadda ka hadlay ayaa heshiiskan
Shirkadda Dahabshiil Group iyo hay’adda caalamiga ah ee Save the Children ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenaya ku kala saxeexday heshiis iskaasho oo laba geesood ah, kaas oo lagu taageerayo daryeelka carruurta nugul ee ku nool Geeska Afrika.
Munaasibadda daahfurka heshiiskan ayaa waxa ka qeybgalay madax kala duwan oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Kenya Aadan Barre Ducaale, iyo Maareeyaha hay’adda Save the Children UK Muse Malik.
Wasiir Aadan Barre oo munaasibadda ka hadlay ayaa heshiiskan ku tilmaamay iskaashi muhiim ah oo isku xidhaya hal-abuurka ganacsiga iyo dadaallada bani’aadamnimada, waxaanu wasiirku xusay in heshiiskani uu door weyn ka qaadan doono caafimaadka carruurta, arrintaasi oo uu sheegay in ay tahay tiir muhiim u ah horumarka gobolka.
"Heshiiskani waa iskaashi aad muhiim u ah oo dhex maraya shirkadda Dahabshiil iyo hay’adda caalamiga ah ee Save the Children. Waa iskaashi midaynaya dadaalka bani’aadantinimo iyo hal-abuurka ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loogu adeego carruurta gobolka,” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka Kenya, Hon. Aadan Barre Ducaale.
Wasiirku waxa uu intaas ku daray: "Iskaashigani waa tallaabo weyn oo hore loo qaaday, taas oo aqoonsanaysa in daryeelka caafimaadka carruurtu aanu ahayn oo keliya waajibaad uu damiirku ina farayo, balse uu yahay tiir aasaasi u ah horumarka iyo mustaqbalka bulshada.”
Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale ayaa dhankiisa sheegay in shirkaddu ay mar walba diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato xal u helidda baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada, isaga oo xusay in shirkadda Dahabshiil ay horeba ugu lug lahayd hawlaha samafalka tan iyo markii la aasaasay.
"Waxaan ku faraxsanahay in aannu heshiis kala saxeexano hay’adda caalamiga ah ee Save the Children, taas oo muujinaysa sida ay ganacsatadu horumarka dadkooda uga qayb qaadan karaan. Save the Children iyo hay’adaha la midka ahba, Dahabshiil waxay u yihiin macaamiil. Haddaanu nahay Dahabshiil, waxaanu doonaynaa in aanu caawino dadka jilicsan,” ayuu yidhi maareeyaha guud ee Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale.
Sidoo kale Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, waxa uu sheegay in shirkadda Dahabshiil ay hore ba door firfircoon ugu lahayd ka qayb-qaadashada hawlaha samo-falka, tan iyo markii la asaasay, waxaanu yidhi "Tan iyo markii Dahabshiil la aasaasay, waxay shirkaddu door firfircoon ka qaadanaysay arrimaha samafalka iyo taageerada bulshada.”
Muse Malik, madaxa hay’adda Save the Children UK ayaa tilmaamay in heshiiskani fursad u yahay in la ballaadhiyo barnaamijyada samo-falka iyo naf-badbaadinta ah ee carruurta Geeska Afrika, waxaanu sheegay in iskaashigani uu ka soo bilaabmay wada-hadallo dhex-maray shirkadda Dahabsiil iyo hay’adda Save The Children sannadkii 2023.
"Waxaannu maanta halkan ugu dabaal-degaynaa daahfurka heshiiska u dhexeeya Dahabshiil Group iyo Save the Children. Iskaashigan waxa uu bilaabmay markii aanu wada-hadallo yeelanay sannadkii 2023, wuxuuna ka qayb qaadanayaa dadaallada lagu badbaadinayo nolosha dadka, gaar ahaan carruurta nugul ee gobolka,” ayuu yidhi Muse Malik, Madaxa UK ee Save the Children.
Iskaashigan cusub ayaa la filayaa in uu kaalin weyn ka qaato xoojinta adeegyada caafimaad, nafaqo, iyo ilaalinta carruurta deegaanka Geeska Afrika, iyada oo hawlahaasi samo-fal loo marayo iskaashiga shirkadda ganacsi ee Dahabshiil Group iyo hay’adda caalamiga ah ee Save The Children.