"Qorshaha Xukuumadda JSL Waa in Sannad kasta 50% la Kordhiyo Mushaharaadka Ciidamada"

Wednesday June 25, 2025 - 14:28:31
hadhwanaagnews
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dib u habeynta



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in qorshaha ugu weyn xukuumada Wadajir iyo waxqabad ee arrimaha ciidamada uu yahay in sannad kasta 50% la kordhiyo mushaharka ciidamada Qaranka JSL, isla markaana la tayeeyo, la tababaro, mooraal-dhiskoodana laga shaqeeyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada Qaranka ugu bushaareeyay in mushahar-kordhintii si toos ah ay u hirgashay. Isla markaana ay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu hoggaamiyaa ay diyaar u tahay tayaynta iyo kor u qaadista awoodda ciidamada qaranka JSL.

 

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay dib u habeynta iyo dayactirka lagu sameeyay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in arrintaas qorshaheeda uu lahaa taliyaha ciidanka booliska Somaliland, isla markaana ay ka xukuumad ahaan ku taageereen, waxaanu hoosta ka xarriiqey in laga dhigey saldhiga dhexe ee caasimadda goob ku haboon dadka muwaadiniinta ah ee lagu xidho si loo ilaaliyo xuquuqdooda.

 

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasibaddii xadhig ka jarista casriyaynta saldhigga dhexe ee Hargeysa ayaa yidhi "Aabahay ayaa boolis ahaan jiray oo saldhigan anoo yar ayaan iman jiray, mudada kooban ee xukuumadda iyo taliyuhu joogey sida uu isu bedeley saldhiga iyo qaybihiisa kala duwanaa waad arkaysaan, meelaha lagu hayo dadka gefka Sameeya, oo kor loo qaaday oo xuquuqdii muwaadinka la ilaaliyay, in meel munaasiba lagu hayo, inuu musqul helo, inuu masaajid helo, askarigu meel uu seexdo inuu helo, waxaas oo dhami in muddo kooban ay ku hirgalaan oo horumar laga sameeyo taliyaha ciidanka Booliska ayaa fikradeeda lahaa, balse waanu ku dhiirigeliney inuu tallaabadaas qaado, waxaanu u mahadnaqaynaa cidkasta oo gacan ka geysatay.”

 

Madaxweynaha JSL waxa uu tilmaamay in uu ku faraxsan yahay horumarka iyo casriyaynta lagu sameeyay saldhigga dhexe ee Hargeysa, waxaanu yidhi "Waan ku faraxsanahay casriyaynta iyo dayactirka lagu sameeyay saldhigga, maaha kaliya in maxaabiista uun loo sameeyay meelo ku habboon, balse askarta ayaa iyagana qaybo badan oo ay u baahnaayeen loogu daray, meelo ay ku nastaan oo munaasib ah ayay heleen, waxaan leeyahay waa in saldhigyada oo dhan wax laga qabto oo si weyn loo beddelo haddii ILLAAHEY yidhaahdo.”

 

Dhanka kale madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in aanay cidina ka weyneyn sharciga, isla markaana qofkii ka hor yimaada qaanuunka iyo sharciga la qabanayo isla markaana la xidhayo.

 

Waxaanu yidhi "Qof kasta oo damnbi sameeya waa la qabanayaa, sharcigana cid ka sarraysaa ma jirto, balse dowladnimadu waa qori isu dhiib, maanta innaga ayaa nimid berrina kuwa kale ayaa iman doona, inta joogta uun baa markaa waajibku saaran yahay wixii ay qaban karayaan inay qabtaan”.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha u weyn ee xukuumaddu uu yahay in 50% sannadkasta la kordhiyo mushaharaadka ciidamada Qaranka. Waxaanu yidhi "Xukuumadda qorshaheedu wuxuu ahaa welina yahay in la tayeeyo, la tababaro, mushaharkooda kor looqaado ciidamada kala duwan. Arrinta mushahar kordhintada ciidamadu way inoo hirgashay, sannadkasta 50% ayaa u kordhi doona ciidamada Qaranka haddii ILLAAHEY yidhaahdo, waxaanu dooneynaa in askari kasta iyo qoyskiisa dhaqaalihiisu kor u kaco, inay noloshiisu wanaagsanaato, in tabbabarka uu xaqa u leeyahay helo, inuu cadaalada uu xaqa u leeyahay helo, inuu dalacsiinta uu xaqa u leeyahay helo.”

     
Loading...