Xukuumadda Somalialnd Qaaday Tallaabo Lagu Xoojinaayo Bad-Qabka iyo Ilaalinta Degaanka

Saturday August 02, 2025 - 11:34:58
hadhwanaagnews
Tallaabadan cusub waxa ay wax ka beddeli doontaa nidaamka qiimeynta,....



Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu hubinayo tayada iyo sharciyadda khubarada iyo shirkadaha ka shaqeeya qiimaynta raad-reebka deegaanka (Environmental Impact Assessment EIA). Tallaabadan ayaa timid kadib markii la shaaciyey in si rasmi ah loo bilaabay diiwaangelinta EIA Experts iyo shirkadaha la shaqeeya.

 

Tallaabadan sharciyeed waxa ay ku saleysan tahay Xeerka Maareynta Deegaanka (Xeer Lr. 79/2018), gaar ahaan qodobkiisa 12aad farqadiisa 4aad iyo qodobka 10aad farqada 2aad, oo si cad u dhigaya in: Qiimaynta deegaanka lagu sameeyo keliya khubaro iyo shirkado haysta oggolaansho rasmi ah oo ay bixiso wasaaraddu, Dhammaan daraasadaha EIA aanay sharci ahaan fulaynin ilaa hay’adda ama khubarada fulinaysaa ay wasaaradda deegaanka ka haysato Clearance Certificate.

 

Tallaabadan cusub waxa ay wax ka beddeli doontaa nidaamka qiimeynta, saameynta deegaanka ee dalka, iyadoo kor u qaadaysa: Daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, tayada daraasadaha deegaanka, ilaalinta deegaanka iyo nolosha bulshada iyo wakhtiga diiwaangelinta iyo shuruudaha.

 

Diiwaangelintani waxa ay socon doontaa muddo bil ah, waxaana dhammaan khubarada iyo shirkadaha la farayaa in ay si degdeg ah iskood isu diiwaangeliyaan. Kaddib marka la buuxiyo shuruudaha, waxa la siin doonaa warqad oggolaansho rasmi ah (Authorization Letter), taas oo ka dhigaysa mid sharciyan u qalanta fulinta daraasadaha EIA ee gudaha Somaliland.

 

Waxa sidoo kale si cad loo sheegay in: "Cid kasta oo aan is-diiwaangelin muddadaas loo qabtay ma fulin doonaan qiimeynta saameynta deegaanka dalka gudihiisa.”

 

Tallaabo Lagu Bogaadinayo Deegaanka iyo Khayraadka Dalka:

 

Diiwaangelintan ayaa ah tallaabo hor leh oo lagu xoojinayo nidaamka deegaanka iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland. Waa fursad ay khubarada deegaanka iyo shirkadaha madaxa bannaan ay ku muujin karaan hufnaantooda, aqoontooda iyo u hoggaansanaanta xeerarka dalka.

 

Waxaana loo arkaa mid ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Deegaanka ay ku doonayso in ay sare ugu qaaddo mas’uuliyadda deegaanka, si loo helo nidaam rasmi ah oo loo maro qiimaynta saameynta mashaariicda kala duwan.

 

Gunaanad

 

Shaacintani waxa ay muujinaysaa isbedel la taaban karo oo ku wajahan sidii dalka loogu samayn lahaa hannaan caddaalad iyo sharciyad ku dhisan oo lagu ilaaliyo deegaanka, iyadoo fursad la siinayo xirfadlayaal u qalma inay door muuqda ka qaataan horumarka dalka, si waafaqsan mabaadi’da horumarka waara (sustainable development).

     
Loading...