Xukuumadda oo Agab Caafimaad Gaadhsiisay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Ceerigaabo

Thursday July 24, 2025 - 13:22:11
hadhwanaagnews
Munaasabadda wareejinta agabka ayaa si rasmi ah loogu qabtay gudaha,,,,



Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland (MoHD) ayaa agab caafimaad si rasmi ah ugu wareejiyay Cisbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo. Agabkan ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo awoodda xarumaha caafimaad ee deegaanka, iyada oo qalabkani si weyn uga caawin doono bahda caafimaadka gobolka in ay si hufan ula tacaalaan xakamaynta caabuqyada faafa ee xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ka dhasha bukaan-socodka iyo bukaan-jiifka.

Munaasabadda wareejinta agabka ayaa si rasmi ah loogu qabtay gudaha cisbitaalka, waxaana ka soo qayb galay Agaasimaha Cisbitaalka Ceerigaabo, Dr. Ibrahim Ahmed Ismail oo isagu si rasmi ah agabkaasi uga guddoomay wasaaradda caafimaadka. Dr. Ibrahim ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta Wasaaradda iyo la-hawlgalayaasheeda dedaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan horumarinta adeegyada caafimaad ee gobolka Sanaag, isaga oo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta wasaaradda caafimaadka iyo King’s Global Health Partnerships (KGHP) oo si wada-jir ah isaga kaashaday qalabkan lagu wareejiyay cisbitaalka Ceerigaabo.

Agabkan caafimaad waxa uu qeyb ka yahay dadaallada wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee dalka, gaar ahaan Barnaamijka Horumarinta Tayada Qaranka (National Quality Improvement Programme (NQIP).

Barnaamijka Horumarinta Tayada Qaranka waa hindise istaraatiiji ah oo ay waddo Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, waxaana mashruucan si toos ah u maalgelinaya hay’adda samafalka ee Qatar Charity.

Barnaamijkan NQIP ayaa diiradda saaraya horumarinta tayada xarumaha caafimaadka ee heer qaran, isaga oo xoogga saaraya xakamaynta caabuqyada faafa, hagaajinta nadaafadda iyo heerarka badbaadada bukaanka. Agabka la wareejiyay ayaa la filayaa inuu si weyn kor ugu qaado waxqabadka Cisbitaalka Ceerigaabo, gaar ahaan qeybaha daryeelka degdega ah iyo kuwa bukaan jiifka.

Dadaalkan wadajirka ah ayaa muujinaya sida ay muhiim u tahay iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya hay’adaha dowladda, ururrada caalamiga ah ee caafimaadka, iyo hay’adaha samafalka, si loo gaadho yoolka guud ee horumarinta caafimaadka dadweynaha Somaliland.

NQIP waa barnaamij muhiimad weyn u leh qaranka, kaas oo laf-dhabar u ah mustaqbalka caafimaadka Somaliland. Barnaamijkan ayaa muujinaysa ujeeddada xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee ku aaddan dhismaha nidaam caafimaad oo casri ah, tayo leh, loona dhan yahay, taas oo xoojinaysa xaqa muwaadiniinta ee helidda daryeel caafimaad oo la isku halleyn karo.

     
Loading...