Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay hormuud ka yihiin Guddida Nabadda iyo Guddida Qaban-qaabada Shirka Nabadeynta Ceerigaabo, ayaa wada dadaallo ballaadhan oo lagu xoojinayo nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada gobolka Sanaag. Dadaalladan oo si xooggan uga socda magaalada Ceerigaabo, ayaa ujeedadoodu tahay in la abuuro jawi nabdoon iyo isu soo dhawaansho bulsho, isla markaana la dhiso kalsoonida bulshada ee dhinacyada kala duwan ee deegaanka.
Guddida Nabadda iyo Guddida Qaban-qaabada Shirka Ceerigaabo ayaa shalay kulamo muhiim ah la yeeshay culimada gobolka Sanaag, iyo bulshada rayidka ah ee Ceerigaabo, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray doorka ay culimadu ku leeyihiin wacyigelinta bulshada iyo dardargelinta nabadda.
Sidoo kale guddidu waxay Salaadda Jimcaha kula tukadeen bulshada deegaanka Masjid Jaamaca magaalada Ceerigaabo, taas oo astaan u ah sida nabaddu ugu baahan tahay ka-qaybgal toos ah oo bulsheed. Kulankan Jimcaha kadib guddidu waxay kulan furan la qaateen bulshada magaaladda Ceerigaabo, isla markaana kala shaaheeyey mid ka mid ah makhaayadaha magaaladda ugu caansan. Kulankaas oo ahaa is-dhexgal iyo xog-wadaag ah, waxay guddidu shacabka si toos ah ula wadaageen farriimo ku saabsan muhiimadda nabadda iyo isku duubnida. Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaallo is-daba joog ah oo muddaba socday, kuwaas oo lagu doonayo in lagu sugo xasillooni waarta, laguna dhiso aasaas adag oo nabadeed oo gobolka ka hirgala.
Dedaalladaasi waxay markhaati u yihiin go’aanka xukuumaddu ka qaadatay horumarinta nabadda iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada gobolka Sanaag. Waxaa la rajeynayaa in kulamada noocan ah ay horseedaan isfahan, isu soo dhawaansho iyo heshiis bulsho oo waara.
Kulanka wada-shaaheynta ah ee salaadda kadib, guddidu waxay bulshada kala sheekaystay xaaladda gobolka iyo muhiimadda ay leedahay wadajirka. Kulankaasi wuxuu dhisayay kalsooni, isagoo muujinaya in masuuliyiintu ay yihiin kuwo la jaanqaadaya bulshada, isla markaana ah hoggaan u dhow dadka, kana warqaba baahidooda iyo dareenkooda.
Hadalladii kasoo baxay Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada, Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Cismaan Afgaab), iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Jamaal Jaamac Xaamuud, waxay xambaarsanaayeen farriimo is-afgarad iyo midnimo ku saleysan, kuwaas oo tilmaamaya in nabaddu tahay mas’uuliyad guud oo cid waliba ay door ku leedahay.
Kulamadan ay guddidu la yeesheen culimada, waayeelka, waxgaradka iyo qaybaha kale ee bulshada, ayaa ah kuwo muhiim u ah kobcinta nabadda. Tani waxay muujinaysaa in nabad-dhisidda aanay ku ekeyn shirar rasmi ah iyo qoraallo, balse ay tahay dhaqan maalinle ah oo ku saleysan is-dhexgal, wadahadal iyo kalsooni.
Culimadii kulanka ka qeyb gashay ayaa si weyn u bogaadisay dadaallada guddida, iyagoo ballan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonaan wacyigelinta bulshada iyo dardargelinta nabadda. Taasina waxay muujinaysaa kaalinta muhiimka ah ee culimadu ku leeyihiin nabadeynta, iyadoo la og yahay doorkooda hoggaamineed ee dhinaca bulshada iyo diinta.
Dhanka kale, mahadcelinta ay guddidu u jeediyeen culimada waxay astaan u tahay iskaashi sal ballaadhan leh, kaas oo horseedi kara nabad waarta oo gobolka ka hirgasha. Waxa la isla qaatay in kulamo noocan ah lagu sii wado si loo xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo masuuliyiinta, loogana hortago khilaafaadka keeni kara kala fogaansho iyo amni darro.
Gunaanad:
Nabadda waa aasaaska horumar kasta. Dedaallada ay wadaan guddida nabadda iyo culimada gobolka Sanaag waxay tusaale u yihiin sida wadajirka, wadahadalka iyo isu tanaasulku ay u noqon karaan furaha xal waara. Dedaalada iyo ballanqaadyada xukuumadda Somaliland ayaa ah furaha nabadda Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag, taas oo la filayo in ay noqon doonaan astaan u taagan nabad, midnimo iyo horumar waara oo ay ku daydaan gobollada kale ee dalka.