Jaamac Cumar Axmed (KK), oo ah khabiir sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan kaga hadlay muhiimadda mashruuca "Education Cannot Wait” (ECW), kaas oo ay dhawaan si rasmi ah u daahfurtay xukuumadda JSL.
Khabiir Jaamac ayaa si qoto dheer u sharraxay doorka mashruucan ee ku aaddan horumarinta waxbarashada carruurta qaba baahiyaha gaarka ah, isagoo xusay in uu yahay fursad dhab ah oo wax lagaga qabanayo isla markaana ay xukuumaddu kaga jawaabayso caqabadaha heysta arday badan oo aan ka faa’iidaysan karin nidaamka waxbarashada ee hadda jira.
Isagoo arrinta sii faahfaahinaya, Jaamac Cumar Axmed wuxuu sheegay in ujeeddada mashruuca ECW ay tahay in la dhiso hannaan waxbarasho oo si waafaqsan ula jaanqaada baahiyaha ardayda nugul, gaar ahaan kuwa aan awoodin in ay helaan waxbarasho tayo leh ama aan ka qaybgali karin dugsiyada caadiga ah.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashruucu yahay mid si gaar ah u taageeraya carruurtaas, isla markaana qeyb ka ah dadaallada xukuumaddu ugu jirto in la helo nidaam waxbarasho oo loo siman yahay, isla markaa ku dhisan hannaan caddaaladeed oo ay ka faa’iidi karaan dhammaan ardayda, iyadoon loo eegin duruufahooda gaarka ah.
"Ujeeddada mashruucan waa in la helo hannaan waxbarasho oo la jaanqaadaya baahiyaha ardayda aan si buuxda uga faa’iidaysan karin nidaamka waxbarashada caadiga ah. Mashruucan wuxuu si gaar ah diiradda u saarayaa carruurta leh baahiyo gaar ah, kuwaas oo qaarkood xitaa aanay suurtagal u ahayn in ay ka qaybgalaan waxbarashada midaamka waxbarasho ee hadda jira ama dugsiyada caadiga ah,” ayuu yidhi Khabiir Jaamac Jaamac Cumar Axmed (KK).
Khabiirku waxa uu intaa ku daray in mashruucu yahay mid la jaanqaadaya siyaasadda waxbarasho ee xukuumadda Somaliland, gaar ahaa yoolalka horumarineed ee wasaaradda waxbarashada JSL, taas oo ah in arday kasta oo reer Somaliland ahi uu helo waxbarasho tayo leh oo loo siman yahay, iyada oo aan la ilaawaynin qaybaha nugul ee bulshada.
"Xukuumadda Somaliland waxa ka go’an in ay arday kasta gaadhsiiso waxbarasho tayo leh, iyadoo aan cidna laga tagayn. Mashruucani waxa uu ka mid yahay tallaabooyinka cad ee lagu xaqiijinayo arrintaas. Arday badan oo gaadhay da’dii dugsiga balse aan hore fursad u helin inay wax bartaan, sababo la xidhiidha duruufaha nololeed, caafimaad, dhaqaale ama baahiyo gaar ah ayaa maanta helaya fursado waxbarasho oo rasmi ah, oo si cilmi iyo naxariisba leh loo habeeyay,” ayuu yidhi Jaamac Cumar.
Jaamac Cumar Axmed ayaa bogaadiyay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan wasaaradda waxbarashada iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta mashruucan, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo guushan qaran.
"Waxaan guul u rajaynayaa dhammaan ardayda loo diyaariyey mashruucan, iyo sidoo kale cid kasta oo qayb ka ah hirgelinta barnaamijkan wax-ku-oolka ah. Waxaan ku baaqayaa in bulshada reer Somaliland iyo cid kasta oo taageero ka geysan karta in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii uu mashruucani u noqon lahaa mid midho-dhal ah, si uu noqdo tusaale lagu dayno daydo oo lagu gaadho yoolka qaran ee ah ‘Waxbarasho loo siman yahay oo tayo leh’,” ayuu yidhi.
Sida uu warbixintiisa ku sheegay Jaamac KK, barnaamijkani waxa uu fure u noqonayaa yareynta sinnaan la’aanta waxbarasho ee dalka ka jirta, isaga oo kor u qaadaya mustaqbalka dhalinyarada, gaar ahaan kuwa hore uga maqnaa nidaamka waxbarashada rasmiga ah. Sidoo kale Mashruucani waxa uu qayb ka yahay istiraatiijiyad ballaadhan oo ay Xukuumadda JSL ku doonayso in lagu xaqiijiyo siyaasadda waxbarasho ee dalka oo ku dhisan hannaan caddaaladeed iyo geediga horumarineed ee qaranka.
Falanqaynta Wargeyska Dawan ee Mashruuca (ECW)
Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si geesinimo leh u qaaday tallaabadan istaraatiijiga ah, taas oo muhiim u ah horumarinta waxbarashada dalka, gaar ahaan ardayda nugul iyo kuwa wajahaya caqabado kala duwan. Mashruucan ay Wasaaraddu daahfurtay ayaa ah barnaamij ballaadhan oo lagu taageerayo ardayda ay saameeyeen duruufaha adag.
Mashruucan ayaa si cad u muujinaya sida ay xukuumadda Somaliland uga go’an tahay in la xaqiijiyo waxbarasho cadaalad ah iyo fursad loo siman yahay oo ay helaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada dalka. Ujeeddada mashruuca ayaa ah in la dhiso hannaan waxbarasho oo ay ka faa’iidaysan karaan ardayda aan hore u heli jirin waxbarasho buuxda, sababo la xidhiidha duruufaha dhaqaale, bulsho, ama caafimaad. "Mashruucani waxa uu laf-dhabar u noqon doonaa helitaanka waxbarasho loo siman yahay oo tayo leh”.
Daahfur Rasmi ah iyo Himilada Mashruuca
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska, Mudane Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa si rasmi ah u daah-furay mashruucan kaas oo qayb ka ah qorshaha horumarinta waxbarashada ee Somaliland. Mashruucan ayaa loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan in ka badan 21,000 oo arday, taasoo ah guul weyn oo lagu soo kordhiyay nidaamka waxbarashada dalka.
Tallaabo Qaran oo Lagu Dhisayo Mustaqbalka Dhalinyarada
Mashruucan ayaa astaan u ah himilada Somaliland ee ah in waxbarashadu noqoto mid furan, caddaalad ah, isla markaana si toos ah u gaadha dhammaan carruurta iyo dhallinyarada dalka. Waa tallaabo dhiirrigelinaysa horumar bulsho oo baaxad leh, oo ay ka faa’iidaystaan dhammaan qaybaha bulshada.
Guud ahaan, mashruucan "Education Cannot Wait” wuxuu ka tarjumayaa dadaalka Somaliland ee ku wajahan xaqiijinta waxbarasho tayo leh, iyadoo la xoojinayo fursadaha waxbarasho ee carruurta si mustaqbalkooda loo dhiso loona taageero horumar waara oo dalka ka hirgala.
Gunaanad
Mashruuca "Education Cannot Wait” (ECW) waa tiir ka mid ah dedaalka joogtada ah ee ay xukuumada Somaliland ugu jirto horumarinta waxbarashada si ay u noqoto mid furan, cadaalad ah, oo ay ay ka wada faa’iidaysan karaan dhammaan carruurta iyo dhallinyarada dalka. Waa qorshe cad oo ka tarjumaya himilada qaranka ee ah in aan la iloobin arday kasta, gaar ahaan kuwa nugul ee duruufuhu ka hor istaageen in ay helaan waxbarasho tayo leh.
Tallaabadan waxaa lagu xaqiijinayaa in waxbarashadu noqoto asaaska horumarka bulshada, iyadoo loo marayo qorshayaal wax-ku-ool ah oo natiijo muuqata dhaliya. Mashruucu wuxuu dhisayaa fursado loo siman yahay, wuxuuna u gogol xaadhayaa mustaqbal ifaya oo dhallinyarada reer Somaliland ay si buuxda uga qayb qaataan horumarka dalkooda.