Xidhiidhka Xukuumadda Somaliland iyo Qadar: Fursad iyo Is-kaashi ku Dhisan Horumar iyo Wada-jir

Thursday September 18, 2025 - 12:07:14
hadhwanaagnews
Xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee dawladaha, si loo abuuro is-faham...




Safarka rasmiga ah ee uu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sh. Cabdullaahi Daahir Jaamac Daahir (Baashe) ku tagay dalka Qadar, iyo kulanka uu la yeeshay dhiggiisa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Qadar, Sh. Qanim bin Shaheen, waa tallaabo istiraatiiji ah oo xambaarsan fursado muhiim u ah labada dhinac. Kulankaasi waxa uu ahaa mid lagu dhisay saldhig cusub oo iskaashi, gaar ahaan dhinacyada Diinta, Awqaafta iyo mashaariicda horumarinta ee la xidhiidha adeegyada bulshada.

Waa markii ugu horreysay muddooyinkii dambe ee si rasmi ah looga hadlo xoojinta xidhiidh diimeed iyo mid waxtar u leh bulshada oo ka dhexeeya Somaliland iyo Qadar, iyadoo diiradda la saaray laba qodob oo muhiim ah:

  1. Xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee dawladaha, si loo abuuro is-faham iyo wada shaqayn joogto ah.
  2. Kobcinta iskaashiga wasaaradaha diinta iyo awqaafta ee labada dal, iyada oo la isku dhaafsanayo khibradaha, aqoonta iyo hirgelinta mashaariic si wada jir ah loo fuliyo.

Kulankan waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay Somaliland oo leh dhaxal diimeed iyo dhaqan suuban, iyada oo iskaashigan labad adal uu Somaliland u horseedi doono in si dhab ah looga jabaabo baahiyaha dhinaca awqaafta, tababarada culimada, iyo dhismaha kaabeyaasha diinta sida masaajidda, xarumaha diinta iyo xarumaha waqfiyada.

Waxaa sidoo kale kulanka ka muuqday in uu yahay mid si qoto dheer loo agaasimay, maadaama uu Wasiirka wehelinayay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle), taas oo tilmaamaysa in arrintani ay leedahay dhidib siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo la taaban karo.

Fursadda Istaraatiijiga ah ee Kulanka:

Iskaashigan cusub wuxuu furi karaa albaabyo hor leh oo la xidhiidha: Maalgelinta mashaariic diimeed iyo bulsho oo Somaliland laga hirgeliyo. Tababar iyo kor u qaadista tayada culimada iyo khudbad-yaqaannada, Wacyigelin iyo barnaamijyo wadajir ah oo lagu dhiirrigeliyo is-dhexgalka iyo garashada diinta suuban.

Gunaanad:

Waxaan bogaadinaynaa dadaalka Wasiirka iyo weftigiisa, isla markaana aan rajaynayo in kulankan noqdo mid aan ku ekaan madal siyaasadeed oo sawirro laga qaato, balse uu noqdo mid natiijo keena oo taabanaya nolosha bulshada Somaliland, gaar ahaan dhanka adeegyada diinta iyo waqfiyada. Xidhiidhka diimeed iyo iskaashiga noocan ah waa mid ka mid ah tiirarka ay ku taagnaan karto sumcadda iyo isdhexgalka caalamiga ah ee Somaliland, xilli ay dunidu u baahan tahay wada shaqayn iyo is-afgarad dhinaca qiyamka iyo horumarka.

     
Loading...