Xukuumadda Somaliland oo Mar Kale Muujisay Dagaalkeeda ka Dhanka ah Musuqmaasuqa

Monday July 28, 2025 - 11:53:56
Madaxweynaha Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,



Madaxweynaha Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa mar kale si cad oo aan leex-leexad lahayn u muujiyay sida ay xukuumaddu uga go’an tahayla dagaallanka musuqmaasuqa,wax-is-daba-marinta iyo lunsashada hantida dadweynaha. Waxaanu Madaxweyne ku xigeenka farriin adag iyo digniin culus oo is barkan u dirayAgaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda ee dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha dawladda.

Madaxweynaha Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,Md. Maxamed Cali Aw Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay tababar aqooneed oo uu Sabtidii todobaadkan u furayAgaasimayaasha Guud ee wasaaradaha. Hay’addaha madaxa bannaan ee qaranka iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda ee dhammaan hay’adaha dawladda.

Kulankan muhiimka ahoo uu soo qabanqaabisayXafiiska Hanti-dhowraha Guud ee qaranka, ayaa kulmiyayAgaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyaddaee dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda. Kaas oo ay ujeeddadiisu ahayd in la xoojiyo xidhiidhka shaqo ee ka dhexeeya hay’adaha iyo Xafiiska Hanti-dhowrka, isla markaana lagu dhiso nidaam la isku halayn karo oo lagu horumarinayo daah-furnaanta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta maaliyadeed ee qaranka.

"Aniga iyo Madaxweynaha qaranku waxaannu ku dhaaranay Kitaabka Quraanka ah in aan si dhab ah u la dagaallamayno musuqmaasuqa iyo maamulka xun,”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku isaga oo si aan gabasho lahayn u muujiyay sida ay madaxtooyada uga go’an tahay in ay burburiso nidaamka musuqmaasuqa ee qaranka daciifiyay.

Wuxuu si toos ahdigniin ugu diray Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda, isaga oo sheegay in aan wax cudurdaar ah loo heli doonin cid kasta oo ku dhacda wax is-daba-marin ama lunsi hanti qaran."Idinka ayaa ah laf-dhabarta wasaaradaha, waana inaad muujisaan xilkasnimo dhab ah,”ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku isaga oo si toos ah u iftiimiyay in tallaabo sharci ah laga qaadayocid kasta oo lagu helo musuq.

Hadalkan Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ah mid la jaanqaadayaa dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka musuqmaasuqa ee ay wado xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Wuxuu calaamad u yahay indawladda dhexe ay ka go’an tahay in la abuuro nidaam maamul oo hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo. Sidoo kale waxa uu ka turjumayaa himilada Madaxtooyada JSL ee ku dhisan ibeddel dhab ah oo lagu abuuro nidaam dawladnimo oo casri ah isla markaana leh awood kormeer, miisaaniyad furan, iyo nidaam ciqaabeed oo dhab ah.

Dedaaladda xoogga leh uu ay xukuumadda wadajir iyo waxqabad ku wajahayso wax ka qabashada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ah kuwofure u noqon kara in xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ay noqoto dawladdii ugu hufnayd ee Somaliland yeelato abid.

     
Loading...