Xukuumadda oo Gobolka Hawd ka Hir-gelinaysa Cusbitaalka Maanka

Thursday June 19, 2025 - 11:58:21
hadhwanaagnews
Wasiir ku xigeenku ayaa uga mahadcelisey Maamulka Gobolka Hawd



Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gobolka Hawd ka hirgelinaysa cisbitaal dhinaca maanka ah, iyada oo Wasir ku xigeenka Wasaradda horumarinta Caafimaadka Marwo Samsam Maxamed Saalax ay shalay kala wereegtay maamulka Gobolka Hawd Dhulkii laga dhisi lahaa cisbitaalka.

Marwo Samsam Maxamed Saalax oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland oo safar shaqo ku joogta magaaladda Balli-gubadleh ee Xarunta Gobolka Hawd ayaa si rasmi ah uga guddoontey Dhul bannaan maamulka Gobolka Hawd, dhulkaasi bannaan ayaa loogu talogaley in laga dhiso Cisbitaalka Guud Dhimirka ee Gobolka Hawd.

Wasiir ku xigeenku ayaa uga mahadcelisey Maamulka Gobolka Hawd dhulkaasi bannaan ee ay ugu deeqeen Wasaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland, waxaanay Marwo samsam Maxamed Saalax goobtaasi ka ballanqaadey in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howlgali doonaan Dhismaha cusub ee Cusbitaalka Dhimirka ee Gobolka Hawd yeelan doono.

Dhankiisana, guddoomiyaha Gobolka Hawd Maxamuud Xassan Saleebaan (Doob) oo halkaasi ka hadley ayaa ka waramey in ka maamul ahaan ay masuuliyiinta Wasaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ku wareejiyeen Dhul Bannaan, Dhulkaasi oo laga dhisi doono Cusbitaalka Maanka ee Gobolka Hawd uu yeelan doono, Cisbitaalkaasi oo loogu adeegi doono dadka ka buka dhimirka kuna dhaqan Gobolkaasi.

Guddoomiyahu waxa kale oo uu xusey in Cusbitaalka dhibirka uu Gobolka Hawd baahi ballaadhan u qabey, maadaama Gobolkaasi ku yaalo xuduudka oo Bulshadda isku socodkeedu ku badan yahay, waxaanu Badhasaabku Xukuumadda Somaliland ka codsadey in Cusbitaalkaasi loo fuliyo, si loogu adeego Bulshadda bukaan socodka ah ee Xannuunka Dhimirku saameynta ku yeeshay noloshooda.

Xildhibaan Sheekh Siciid Sokeeye oo ka mid ah guddi hoosaadka guddida arrimaha bulshadda ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa goobtaasi kaga baaqay sidii dadweynaha iyo Xukuumaddu iskaga kaashan lahayaeen Dhismaha Cisbitaalka Dhimirka ee Gobolka Hawd, iyada oo Xildhibaanku xusey in ka gole ahaannna ay gacan ka geysan doonaan Mashruuca dib-udhiska Cisbitaalkaasi, wixii taborucaad ah ee kaga soo hagaaga gole weynahaasi.

     
Loading...