Xukuumadda oo Cisbitaalka Oodwayne ku Wareejisay Mishiino iyo Agab Kale

Monday July 14, 2025 - 11:40:51
hadhwanaagnews
Dr Axmed Maxamuud Jaamac Agaaimaha guud ee Wasaaradda horumarinta



Xukuumadda Somaliland,ayaa Cisbitaalka guud ee Degmada Oodweyne ee gobolka Daadmadheedh ku wareejisay mishiino casri ah oo lagula socdo xaaladda hooyada iyo ilmaha uurka ku jira xiliga dhalmada ka hor,dawooyin iyo qalab caafimaad oo ay ka mid yihiin OXYGEN-ta, sariiraha sariiraha Umusha iyo sariiri kale oo loogu talo galay bukaanada kale.

Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, oo socdaal shaqo ku tegay xarunta gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne oo qalabyada kala duwan ku wareejiyay Cisbitaalka guud ee Oodweyne,ayaa ballan qaaday in ay ka waasad ahaan cisbitaalka oo ay hadda ka hawl galaan laba dhakhtar in ay kusoo kordhin doonaan laba dhakhtar oo kale.

Dr Axmed Maxamuud Jaamac Agaaimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo ka hadlayay qalabyada iyo dawooyinka ay ku wareejiyeen Cisbitaalkaas, ayaa yidhi. "Maanta (shalay) waxanu joognaa Cisbitaalka magaalada Oodwayne waxaanu doonaynaa in aanu ku wareejino agab caafimaad oo ay baahi wayn u qabeen oo ay ka mid yihiin mishiin casri ah oo nooca lagu ogaado Uur ku jirta Hooyada iyo dhallaanka kaas oo lagula soconayo xaaladda Ilmaha”

Agasimaha ayaa intaa ku daray inay cibitaalka ku wareejiyeen Dawooyin ay baahi u qabeen iyo sidoo kale Sariiro isugu jira kuwa Umusha, qaar loogu talogalay Bukaanka iyo OXYGEN-ta, taas oo wax wayn ka qaban doonta xiliyada bukaanka loo samaynayo adeeg qaliin iyo haddii bukaanku u baahdaan.

Geesta kale waxa uu agaasimuhu sheegay in hore ay cisbitaalka u joogeen laba dhakhtar oo kaliya, kana jawaabi jiray baahi kasta oo cisbitaalka la soo gudboonaata balse hadda ay sida ugu dhakhsaha badan ay u keeni doonaan laba dhakhtar oo kale kuwaas oo qayb ka noqon doona adeegyada caafimaad ee bukaanadu u baahan yihiin inay ka jawaabaan.

     
Loading...