Weftigii Madaxweynuhu u xilsaarey dhismaha cisbitaalka Buco oo kormeer ku tagey magaaladaasi

Monday August 04, 2025 - 09:41:09
hadhwanaagnews
Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in si dhab ah loo qiimeeyo
May be an image of 10 people


 Wafti ballaadhan oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u xilsaaray qiimaynta iyo diyaarinta goobta laga hirgelinayo cisbitaal weyn oo casri ah, ayaa saaka kormeer rasmi ah ku tagay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waftigan oo isugu jira khubaro dhanka caafimaadka ah, masuuliyiin heer qaran ah iyo xubno ka socda hay’adaha fulinta, ayaa kormeeray meelo dhowr ah oo loo asteeyay in laga dhiso cisbitaalka cusub.
Goobaha ay tageen waxaa kamid ahaa Cisbitaalka Guud ee Burco, iyo goobo kale oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha magaalada.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in si dhab ah loo qiimeeyo xulashada goob ku habboon dhismaha cisbitaalka, iyadoo la eegayo arrimo badan oo ay ka mid yihiin baaxadda dhulka, helitaanka adeegyada aasaasiga ah sida biyaha iyo korontada, iyo in goobtu u dhawdahay bulshada danyarta ah ee u baahan adeeg caafimaad oo tayo leh.

Mid ka mid ah xubnaha waftiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha cisbitaalka cusub uu noqon doono mid heer sare ah oo dabooli doona baahida caafimaad ee gobolka Togdheer iyo deegaamada ku xeeran, isagoo tilmaamay in mashruucani ka mid yahay barnaamijyada horumarineed ee uu Madaxweyne Cirro u qorsheeyay bulshada reer Somaliland.

Waxaanu yidhi."Booqashadani waa tallaabo muhiim ah oo ku wajahan xaqiijinta balanqaadyadii Madaxweynaha ee la xidhiidhay adeegyada caafimaadka.

Waxaanu hubinaynaa in goobta laga dhisayo cisbitaalku noqoto mid si buuxda ugu habboon baahida shacabka,”

Mashruuca cisbitaalka cusub ee Burco ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid kamid ah xarumaha ugu waaweyn ee caafimaad ee dalka, iyadoo lagu wado in uu yeesho adeegyo caafimaad oo casri ah sida qaybta qalliinka, dhakhaatiir takhasus leh, iyo qalab caafimaad oo horumarsan.

Booqashada waftigan ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo horumarinta kaabayaasha caafimaadka dalka, taas oo si gaar ah diiradda loogu saarayo gobollada ay baahiyaha caafimaadku aadka uga jiraan.
     
Loading...