Xukuumadda oo Xoojinaysa Doorka Qurbajooga JSL

Monday July 21, 2025 - 11:06:45
hadhwanaagnews
Waxa bogaadin mudan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga ....




Furitaanka kulan-hawleedka lagu gorfeeyay, laguna qabyo-tirayaySiyaasadda Qaran ee Qurbajoogga Jamhuuriyadda Somalilandayaa ah dhabbaha toosan ee dal kasta oo qaan-gaadh ahi uu xoogga saaro si uu qurbo-jooggiisa uga dhigo laf-dhabarta horumarka, iskaashiga iyo diblomaasiyadda dadweynaha. Tallaabadan siyaasadeed oo ay hormuud ka yihiin Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal), iyo Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa muujinaysa damac iyo dardar cusub oo lagu dhisayo siyaasado qaran oo ka tarjumaya baahiyaha, doorka, iyo awoodda ay leeyihiin dadweynaha dibedda ku sugan ee Somaliland.

Waxa bogaadin mudan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland oo iftiimisay in ay garawan tahay in Somaliland ay u baahan tahay siyaasad qaran oo hufan oo lagu hago xidhiidhka, maalgashiga, u doodista, iyo kaalinta kobcineed ee qurbo-jooggu ku leeyihiin horumarka waddanka. In madal ballaadhan oo midaysa la isugu keeno dhammaan daneeyeyaasha arrimaha qurbajoogga, kuwaas oo ay ka mid yihiin ururrada qurbo-joogga, hay’adaha dowladda, jaamacadaha, iyo la-taliyayaal madax-bannaan, waxay caddeynaysaa in geeddi-socodkani yahay mid wadar iyo iskaashi bulsho ku saleysan, taasoo lagama maarmaan u ah ansaxinta siyaasadda noocan oo kale ah.

Siyaasaddu waxay tiir-dhexaad muhiim ah u noqon kartaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:Xoojinta doorka qurbo-joogga Jamhuuriyadda Somalilandee dhinacyada maalgashiga, shaqo-abuurka iyo tabarucaadkooda dhaqaale;

Dib-u-xidhiidhinta dhalinyarada ku koray dibeddaee u dhashayJamhuuriyadda Somalilandsi ay u noqdaan safiirro dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadba;

Dhisidda hannaan sharci iyo hay’adnimooo kor u qaada kalsoonida qurbajoogga Somaliland ee ku wajahan hay’adaha dalka iyokor u qaadista doorkooda ku wajahan qadiyadda madaxbannaanida Somaliland, iyagoo noqon kara cod xor ah oo u adeega danaha qaranka.

Gabagabadii, tallaabadan siyaasadeed ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah waa mid muujinaysa bisayl dowladeed iyo faham dhab ah oo ku wajahan muhiimadda ay qurbajooggu u leeyihiin dalka. Haddii si dhab ah loo hirgeliyo, siyaasaddani waxay noqon kartaa madal mideysa qurbo-joogga iyo gudaha dalka, isla markaana dhista isku xidhnaan qaran oo xooggan oo ku saleysan kalsooni, wax-wada-lahaansho iyo horumar waara.

     
Loading...