Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u cambaaraysay tallaabooyin ay ku tilmaantay farogelin gardarro ah oo ka imanaysa Dawladda taagta daran ee Muqdisho, iyadoo ku eedaysay ciidamo ka tirsan dowladda Muqdisho oo la geeyay qaybo kamid ah gobolka Sanaag, taas oo ay xukuumaddu ku tilmaantay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka iyo nabadda Mandaqadda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali, oo warbaahinta la hadlay, ayaa ficilkan ku tilmaamay arrin fool xun oo laga xishoodo, isla markaana ay muujinayso tamar-darrada dawladda Muqdisho. Wuxuu si cad u sheegay in cawaaqib kasta oo ka dhasha ficilladaas ay si buuxda mas’uuliyaddeeda u qaadan doonto Dawladda Muqdisho, gaar ahaan Xasan Sheekh Maxamuud.
"Ninka Moqokori ay Al-Shabaab ka qabsanayso ee aan awoodin inuu xasiliyo ammaanka Muqdisho, ayaa u hanqal taagaya in uu Sanaag ciidan u diro, waa arrin laga xishoodo,” ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaasi raaciyay "Cawaaqibka ka dhasha ciddi kula qaadan mayso, adiga ayaa yeelan doona,” ayuu si toos ah ugu digay Madaxweynaha Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa xusay in xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland aanay oo oggolaan doonin in faragelin dibaddeed ka dhacdo dhulkeeda. Waxaanu ugu baaqay madaxda Muqdisho inay si degdeg ah uga waantoobaan arrimaha aan sharciga iyo xaqa ku dhisnayn. "Waxaanu ku waaninaynaa Madaxweynaha dawladda Muqdisho inuu faraha kala baxo waxa aan loo diran loona dooran ee uu faraha kula jiro, Somaliland-na iyadaa leh xuduudaheeda,” ayuu yidhi.
Wasiir Axmed Yaasiin wuxuu sidoo kale daaha ka qaaday in ciidamo ka tirsan dowladda Muqdisho ay gadood sameeyeen sababo la xidhiidha mushaar la’aan, halka dhaqaalihii loogu talo-galay ciidamadaas ee ay beesha caalamku ku siisay dowladdaas loo adeegsanayo in lagu farogaliyo deegaanno nabdoon. Isaga oo beesha caalamka ugu baaqay in ay fiiro gaar ah u yeelato lacagaha ay siiyaan dowladda Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumadda Somaliland ay si buuxda uga shaqaynayso sugidda amniga gobolka Sanaag, wax kasta oo ay ku kacaysana ay diyaar u tahay xukuumadda Somaliland, sidoo kalena ay dhigtay oo ay diyaarisay gogol nabadeed oo lagu walaalaynayo dadka deegaankaas.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu isku dayayo inuu hor istaago dedaallada Somaliland ee ku wajahan helista aqoonsiga caalamiga ah, waxaanu wasiirku tilmaamay in waqtigu dhaafay xilligii aqoonsiga Somaliland lagu joojin karayay awood ama dagaal. "Maanta cid aqoonsiga Somaliland joojin karta ma jirto. Waxaan leeyahay, colaad hor leh ha ina dhex dhigin,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta.