HADHWANAAGNEWS

Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, Mudane Maxamuud Xasan Saleebaan (Doob), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay culimada magaalada Gabiley, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha diinta, wacyigelinta bulshada iyo xoojinta wada shaqaynta.
Kulanka waxaa guddoomiyaha ku wehelinayay Isu-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Gabiley, iyaga oo si wadajir ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay in culimada iyo maamulka gobolka ay iska kaashadaan horumarinta bulshada.
Masuuliyiinta iyo culimada ayaa isla qaatay in la xoojiyo wacyigelinta bulshada, ilaalinta qiyamka suuban, iyo kor u qaadidda doorka culimada ee hagidda bulshada, si loo helo bulsho leh midnimo, akhlaaq wanaagsan iyo xasillooni.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo iskaashi dhow oo dhex mara culimada iyo hay’adaha dowladda, si loo horumariyo nolosha bulshada gobolka Gabiley.