hadhwanaagnews

Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh iyo Guddiga Abaaraha ee gobolka ayaa maanta kala diray 171 booyadood oo biyo ah, kuwaas oo loo qaybiyey deegaannada kala duwan ee gobolka halkaas oo ay ka jirto abaar ba’an.
Gurmadkan biyaha ayaa loogu talagalay in lagu taageero bulshada iyo xoolaha ay saameysay abaarta ka jirta deegaannadaas, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay biyo la’aanta.
Biyaha gurmadka ah waxaa bixiyey qaar ka mid ah ganacsatada shirkadaha waddaniga ah ee dalka, kuwaas oo ka qayb qaatay dadaallada samata-bixinta ee loogu gurmanayo dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay.