Madaxweynaha Somaliland oo Ka Digay Saamaynta Dagaallada Bariga Dhexe, Baaqna u Diray Ganacsatada iyo Xukuumadda

Friday March 20, 2026 - 17:49:51
hadhwanaagnews
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu baaqay ganacsatada


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay saamaynta ballaadhan ee ay dagaallada ka socda Bariga Dhexe ku yeesheen dunida, isaga oo xusay in xaaladdu ay si gaar ah u saameysay isu socodka ganacsiga iyo maraakiibta badda.


 

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in caqabadaha ka taagan marinada badda ay keeneen in maraakiibtii ganacsigu ay la kulmaan dhibaatooyin badan, taas oo saameyn ku yeelan karta sahayda iyo dhaqaalaha guud.


 

"Dagaalka dunida ka socda maanta dunida oo dhan buu saameeyey... Waynu ognahay in maanta ay adag tahay in maraakiibtu sidii hore u shaqayso, meelihii ay mari jireena dhibaato ayaa ka taagan," ayuu yidhi Madaxweynaha JSL.


 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay xukuumadda iyo ganacsatada inay si wadajir ah u qaadaan tallaabooyin lagu xoojinayo kaydka dalka, gaar ahaan shidaalka iyo raashinka, si looga hortago saameynta ka iman karta xaaladaha cakiran.


 

"Waxaan ku baaqayaa ganacsatada iyo xukuumadaba wixii kayd aan haysano aan kaydsano, hadduu shidaal iyo raashin yahayba," ayuu raaciyay.


 

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu baaqay ganacsatada inay muujiyaan mas’uuliyad bulsho, isla markaana ay garab istaagaan shacabka xilliyada adag.


 

"Waxaan ganacsatada ugu baaqayaa in xilliyada adag ay shacabkooda is garab taagaan," ayuu yidhi.


 

Hadalkan Madaxweynaha ayaa muujinaya feejignaanta xukuumadda ee ku aaddan xaaladaha caalamiga ah iyo dadaallada lagu doonayo in lagu ilaaliyo xasiloonida dhaqaale iyo badbaadada bulshada.

     
Loading...