Taliska guud ee ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa digniin adag ka soo saaray aafadda tahriibka iyo magafayaasha, iyaga oo sheegay in wakhtiyadan dambe ay tahriibtu ku socoto si xawli ah, waxaanay tilmaameen in ciddii lagu qabto tallaabo sharci waafaqsan laga qaadi doono.
Sarreeye Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa bulshada ka codsaday inay ciidanka Booliska ka gacan siiyaan la dagaalanka iyo ka hortagga arrimaha tahriibka iyo magafayaasha soo badanaya, sidoo kale waxa uu ku boorriyay bulshada inay dhankooda kala dagaalamaan arrimaha tahriibka.
Taliye Ibraahim Cabdi Xaaji oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Dadwaynaha Somaliland waxaan uga baaqayaa inay arrintaasi la dagaalamaan oo dagaalka Boolisku kula jiro ku gacan siiyaan, qof kasta oo lagu arko isaga oo wax tahriibinay ama magafe ha noqdo ama mid kale ha noqdee, ama si uun ha uga qayb qaato iyo ka tahriibaya laftii in Booliska loo soo sheego ayaanu dadwaynaha ka codsanaynaa, si loo qabto”.
Dhinaca kale Sarreeye Guuro Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa sheegay in wakhtiyadan dambe ay aafada tahriibku xoog u soo badanayo, isla markaasina ay jiraan magafayaal dhalinyarada reer Somaliland ku dhiirigalinaya tahriibka, waxaanu yidhi "Waxa jirta baryahan dambe, tahriib badan oo markii hore inaga yaraaday, balse hadda xawli ku socda maalmahan, magafayaal niman lagu sheegay oo isku xidhmay baa jira magaalo walba, kuwaasi oo dhalinyarada ku qal-qaalinaya tahriibka, sidoo kalena midba mid u dhiibayo ilaa diyaarada laga saarayo.
Dalalka Masar iyo Libiya ayaa la sii marinayaa oo qaar baa dhexda ku dhimanaya, qaar kalena way ku baaba’ayaan oo dhibaatooyin kale oo badan ayaa ka soo gaadhaya”.
Gebogabadii waxa uu digniin u diray waalidiinta reer Somaliland oo uu ugu baaqay inay ka war-qabaan Carruurtooda iyo dhaq-dhaqaaqa ay samaynayaan, sidoo kalena ay ku soo wargaliyaan ciidanka Booliska Somaliland marka ay wax dareemaan, waxaanu yidhi "Waxaan si gaar ah iyagana halkan digniin uga diraynaa, waalidiinta inay la socdaan carruurtooda tahriibka u baxaya, inay dhaq-dhaqaaqooda la socdaan oo ay dareen ka qaataan oo ka hor tagaan haddii ay ka hortagi karaan, marka ay wax ogaadaan ilaa xad ay Booliska u soo sheegaan si loo qabto”.