"Ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha Nabada iyo Xasiloonida Dalka" Taliyaha Ciidanka Booliska

Wednesday June 25, 2025 - 14:40:19
hadhwanaagnews
Sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku dheeraaday



Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan oo madaxwaynaha Somaliland uga warbixinayay adeegyadda ay ciidanku u hayaan dalka iyo dalka, ayaa sheegay inay yihiin kuwa suurto galiyay ILLAAHAY ka sokow in bulshadu si raaxo leh u seexdaan.

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa madaxwaynaha u faahfaahiyay waajibaadka guud ee ciidanka Booliska iyo shaqooyinka gaarka ah ee ay dalka iyo dadkaba ugu xil saaran yihiin, oo ay kow ka tahay sugida amniga iyo saxiloonida dalka.

 

Sidoo kale Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa ku dheeraaday kaalinta wax ku oolka ah ee ciidanka Boolisku ka qaataan ilaalinta nafta, maalka iyo sharafta muwaadiniinta iyo ajaaniibta dalka

 

Waxaanu yidhi "Mudane madaxwayne ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha nafta, maalka iyo sharafta muwaadiniinta iyo ajaaniibta sida sharciga ah ku jooga dalka, ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha amniga iyo xasiloodinada dalka, ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha Dastuurka iyo socodsiinta Xeerarka kale ee dalka iyo kuwa kale ee caalamiga ah”.

 

Geesta kale Taliyaha ciidanka Booliska ayaa sheegay in ciidanka Boolisku yahay ilaaliyaha deegaanka iyo duurjoogta iyo ilaaliyaha dhammaan hal-bawlayaasha Qaranka

 

Waxaanu yidhi "Ciidanka Boolisku waa ka hortagaha iyo ka dabatagaha danbiyada kala duwan, ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha deegaanka iyo duurjoogta dalka, ciidanka Boolisku waa ilaaliyaha dhammaan hal-bawlayaasha Qaran sida Dekedaha, Madaaradda, xudduudaha iyo goobaha kale ee muhiimka ah”.

 

Gebo’gabadii Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay in ciidanka Booliska dalku ay ka qayb qaataan ilaalinta iyo curinta dakhliga, sidoo kale ay ka barbar dagaalamaan ciidanka Qaranka wakhtiga loo baahdo

 

Waxaanu yidhi "Ciidanka Boolisku waa curiyaha iyo ilaaliyaha dakhliga Qaranka, ciidanka Boolisku waxa uu ka mid yahay ciidamada hubaysan eek a barbar dagaalama ciidanka Qaranka marka loo baahdo”.

     
Loading...