Laascaanood iyo Booqashada Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo Mowqifka ku aadan Xukuumadda Somaliland.

Tuesday April 08, 2025 - 09:59:20
hadhwanaagnews
Masuul ka tirsan Somalia inuu yidhaahdo Laascanood...


Booqashada uu Raysal Wasaaraha Soomaaliya ku imanayo magaalada Laascaanood, waa tallaabo si toos ah uga hor imanaysa madax-bannaanida iyo jiritaanka dawladnimada Somaliland.

Gobolka Sool, oo Laascaanood xarun u tahay, wuxuu ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu ka mid yahay deegaanada dhuleed ee ay Somaliland leedahay.

In kastoo oo ay colaadi ka dhaceen Sool bari oo dadka deegaanka ay xukumadooda wax ka tirsanayaa taas oo u baahan xal indho gaar ah lagu eego oo ay Somaliland iyo dadka deegaanada Sool bari wixii dhex yaal iyaka u taalo hadana Maaha in la dhayalsado hadalada Meel ka dhac ku ah Somaliland ee Somalia ka imanaya.
Inkasta oo ay jiraan xaalado siyaasadeed oo muran dhaliyay iyo kala aragti duwanaansho bulshada deegaanka qaarkood ah, haddana ma jirto wax sharci ah ama xeer qaran oo meesha ka saaraya suurtagalnimada in Somaliland ay si buuxda u maamusho dhulkeeda.

Masuul ka tirsan Somalia inuu yidhaahdo Laascanood ayaan tagayaa waxay noqonaysaa faragelin siyaasadeed iyo xadgudub ka dhan ay madax-bannaanida Somaliland,Taas oo muujinaysa dagaal toos ah.
Xukuumadda Somaliland waa in ay si cad oo aan ka gabasho lahayn uga hadashaa arrintan, isla jeertaana bulshada Somaliland iyo beesha caalamkaba u caddaysaa mowqifkeeda.

Waxaa muhiim ah in la cadeeyo in Somaliland aanay masuul ka ahayn wixii dhibaato ama iskahor imaad ah ee ka dhasha imaadinkan noocan ah, isla markaana ay leedahay xaq buuxa oo ay ku difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.

Waxa suuro gal ah in hadalka Raysal Wasaaruhu u jeedkiisu ahaa kuday isagoo dulucdiisu tahay inuu eego ficil Somaliland qaato balse hadii loo aamuso waa suuro gal inu ku dhiirado.

Xogta aan helayo ayaa sheegaysa inuu Golihiisa Wasiirada kulankii Khamiistii uu ku wargaliyay in aanu u socon Laascanood,wararka laga faafiiyayna ay yihiin kuwo been abuur balse intaas ka dib waxa timi hadal hayn badan iyo culusyo la saaray taas oo keentay inuu ku dhiirado inuu yidhaahdo waan tagaysaa Sool oo ah deegaano Somaliland leedahay.!!!
     
Loading...