Maxaa ka jira in xubno ka mid ah wafdi ay dowladda Soomaaliya u dirtay dibadda ay isdhiibeen

Wednesday June 11, 2025 - 11:00:28
hadhwanaagnews
Haddaba si'aan su'aalo dheeraad ah u weyddiinno wasaaaradda



Dhawaan waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada ku faafay warar sheegaya in wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo ka qaybgalaayay shir ka dhacaayay wadanka Switzerland magaaladiisa caasimadda ah ee Geneva in wafdigaas xubno ka tirsan ay baxsadeen amaba is dhiibeen. Wasaaradda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku beenisay arrintaas.

 

Haddaba si'aan su'aalo dheeraad ah u weyddiinno wasaaaradda waxaan la xidhiidhnay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya.

 

Wasiirka wasaaradda oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in badidood xubnahii Soomaaliya ku metalaayay shirkaas ay noqdeen.

 

''Runtii waxaan imaanay kowda bisha shirka Ururka Shaqaalaha Adduunka ee sanadlaha ahaa waxaana uga qaybgalay si buuxda inta badan xubnahii kasoo qayb galay shirkaasna qaarkood way laabteen'' ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya Yuusuf Maxamed Aadan.

 

Wasiirku waxuu xusay in ay jiraan wali dad aan laabanin oo howlo usii jooga dalkaas kuwaas oo qorshahu yahay in ay noqdaan 13-ka bishaan oo shirku soo xidhmaayo.

bbc/somali
     
Loading...