"Bulshada oo Nabadda u Baahatay iyo Xukuumadda oo ay ka Go'antahay ayaa Keenay Amniga Ceelafweyn"

Wednesday June 11, 2025 - 10:53:40
hadhwanaagnews
Markaa nabadgelyada deegaanku imika way hir gashay waanay



Maayerka degmada Ceel-afweyn ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Ceel-afweyn Maxamed Aadan Digaale,ayaa ka war bixiyay nabad gelyada ka hirgashay degmada Ceel-afweyn iyo deegaanada hoos yimaadda.

 

Waxaanu sheegay in nabadgelyada Ceel-afweyn imika ku taagan tahay tiirar adag loona baahan yahay in lagu illaaliyo sidaa ay u dhaqan gashay oo la fuliyo qodobadii lagu heshiiyay isla markaana magihii loo kala qaado dhinacyada lagu kala xukumay wakhtigii loo qabtay.

 

Waxaanu ku bogaadiyay Xukuumadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu tilmaamay in ay meel adag iska taagtay ka midho dhalinta nabadgelyada Ceel-afweyn waxaa kale oo uu si gaar ah ugu mahad naqay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Am Maxmed Cali Aw Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay oo wakhti badan Ceel-afweyn u fadhiyay hirgelinta nabadgelyada Ceel-afweyn,iyo gudiyadii beelaha ee arrinkaa iska xilsaaray in ay nabad ku dhameeyaan.

 

Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda abaarta oo uu sheegay in deegaanka degmada ay ka jirto oo roob yaraan ahaa isla markaana waxaa uu tilmaamay in ay ALLE ka baryayaan in uu abaarta ka soo jebiyo.

 

Maayerka Degmada Ceel-afweyn oo Khadka taleefanka waraysi gaar ah ku siiyay wargeyska Dawan,ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay nabadgelyada Ceel-afweyn iyo deegaanadiisa miyiga ahba ka hir gashay iyo tiirarka ay ku taagan tahay ama waxay kaga duwan tahay nabadayn badan oo hore deegaankaa la iskula qaatay,ayaa. yidhi. " Marka koobaad ALLE (ST)ayaan ugu mahad naqaynaa noo suura geliyay nabad gelyadaa ka hirgashay degmada Ceel-afweyn iyo deegaanada hoos yimaada ee dadkeedii toban sano ka dib ay isu gudbeen ee wada ciideen ee wada tukadeen ee is dhex galeen,marka labaad waxaan u mahad naqayaa Xukuumadda Somaliland oo ay ka go’nayd in nabadgelyada Ceel-afweyn suganto oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,waxaa kale o aan si wayn ugu mahad naqayaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Am Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wefigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayay oo la wada ogyahay udada uu Madaxweyne ku xigeenku arrinta nabadgelyada u joogay Ceel-afweyn oo ahayd markii koobaad ee Madaxweyne ku xigeen Qaran mudada intaa leeg u joogo taas oo ku tusaysa sida ay Xukuumadda talada haysa uga go’nayd nabad ka dhalata Ceel Afweyn iyo siday mudnaanka koobaad u siisay Xukuumaddu markii ay doorashada ku guulaysatayba ay ugu dhaqaaqday hirgelinta nabad gelyada Ceel-afweyn.

 

Waxaa kale oo aan u mahad naqayaa gudiyada beelaha Garxajis iyo Habarjeco oo iyaguna si wayn ugu hawl galay nabadaynta deegaanka iyo labada beelood.

 

Markaa nabadgelyada deegaanku imika way hir gashay waanay hana qaaday waxaanay ku taagan tahay laba tiir oo adag oo kala ah dadka deegaanka uu u baahday nabadgeylyada oo coaadi ay daashatay iyo Xukuumadda oo ay ka go’an tahay in nabadgelyadu hirgasho oo aan waxba ka soo noqon.”

 

Maayerka Degmada Ceel-afweyn oo ka hadlayay nabadgelyada deegaanka ka hirgashay iyo waxyaabaha ay u baahan tahay in lagu illaaliyo,ayaa yidhi. "Nabadgelyada waa la isla qaatay waxaana lagu soo afjacay colaadii qodobo kala duwan oo u baahan in lagu illaaliyo oolagu dhaqo waxaana kow ka ah in magihii lagu kala xukumay dhinacyada loo kala qaado oo xiligii balanku ahaa loogu kala qaado,waxaa kale oo qayb ka ah in dhinaca ku xad gudba nabadda in Xukuumaddu tallaabo ka qaado iyo in dhinaca lagu xadgubday uu dawladda u daba fadhiisto wixii dhaca wax ka qabashadeeda insha ALLAH waxba dhici maayaan oo sidaa manta ba ay dadkii colaadu kala irdhaysay u wada joogaan ayaa caddaynaysa in bulshadu nabad gelyada u baahan tahay waxaa keliya ee loo baahan yahay waa in sidaa lagu illaaliyo oo ugu horrayn magaha loo kala qaado lagu kala xukumay si ay dadkii loo kala xukumay u kala bogsadaan.”

 

Maayerka oo ja jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaalada roobka ee deegaanka degmada ayaa yidhi. "deegaanku waa roob yaraan oo Roob laga cabbay ayuun baa ka da,ay deegaanka xaalad abaareed na way jirtaa laakiin RABBI,ayaan ka baryaynaa in uu abaarta inaga soo jebiyo oo Raxmaadkiisa inoo shubo.”

     
Loading...