Axmed Ismaaciil Samater ayaa sidoo kale sheegay
Prof Axmed Ismaaciil Samater oo ka hadlayay munaasibada lagu xusayay 26-ka Juun maalintii xornimada Somaliland oo lagu qabtay Madaxtooyadda dalka, ayaa sheegay in maalintani tahay mid unkaysa wadajirka iyo wax wada lahaashiyaha bulshada Somaliland.
Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa in 26ka Juun tahay taariikhda asalka ah ee Somaliland, taasi oo noqonaysa mid gooni ah oo aan cidna la wadaagin, miiskana keenaysa Qaranimada dalka.
Axmed Ismaaciil Samater ayaa sidoo kale sheegay in maalinta ay Somaliland u tahay madfaca ugu wayn ee ay Soomaaliya soo hor dhigi karto, maadaama aanay dawlad ka horaysay jirin.
Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa ku baaqay in si wayn loo xuso maalinta oo ah halkii ay ka timi asalka dawladnimada Somaliland, loona baahan yahay in doodeeda la diyaariyo oo fagaarayaasha caalamka la geeyo