Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah u yeeshay kulankoodii ugu horreeyay, kaas oo lagu dejinayay jihada iyo qaab-dhismeedka hawlgalka gurmadka abaaraha dalka. Kulankan muhiimka ah waxa guddoominayay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ahna Guddoomiyaha Guddida Gurmadka Abaaraha ee Heer Qaran, xilkaas oo madaxweynaha Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro u magacaabay dorraad.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in kullankan uu yahay bar-bilow rasmi ah oo lagu bilaabayo gudashada masuuliyadda qaran ee ay Guddidan u xilsaaran tahay, kuwaasi oo ay ka mid yihiin isku-dubaridka, diyaarinta iyo gaadhsiinta gargaar degdeg ah sida biyo nadiif ah, cunto, daawooyin iyo adeegyo kale oo bini’aadantinimo, si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee ay sababeen xaaladaha abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka.
Qodobbada muhiimka ah ee lagaga wada hadlay kulankan 1-aad waxa ka mid ahaa:
Dhammaystirka qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha
Samaynta guddiyada Gurmadka Abaaraha ee heer Gobol iyo heer Degmo (Gobollada dalka oo dhan)
La socodka xogaha maalinlaha ah ee xaaladaha Abaaraha dalka oo dhan
Samaynta Guddi-hoosaadyo Farsamo oo la shaqeeya Guddida Abaaraha ee Heer Qaran.
Dejinta hannaanka loo ururinayo, loona maamulayo lacagaha qaadhaanka iyo deeqaha ah, oo ay ugu mudan yihiin Ganacsatada, Qurbe-jooga iyo Dadweynaha reer Somaliland.
Joogtaynta kullannada maalinlaha ah ee ay Guddidu kaga arrinsanayaan socodsiinta hawlaha baaxadda leh ee Gurmadka Abaaraha.