Maamul Daadejin Bisil iyo Horumar Waara: Wasaarada Caafimaadka Oo Qaaday Talaabo Qaranimo

Thursday August 14, 2025 - 14:49:16
hadhwanaagnews
Wasaaradda caafimaadka JSL, iyada oo ay hoggaaminayaan Wasiirka....




Tababarkii maamulka caafimaadka ee dhawaan lagu qabtay magaalada Burco ayaa si qoto dheer u muujinaya bisaylka iyo qaangaadhnimada dawladnimo ee ay ku tallaabsatay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland. Tani maaha oo keliya tababar farsamo, balse waa astaanta muujinaysa hannaanka sii qoto-dheeraanaya ee maamulka casriga ah, daahfurnaanta hay’adaha dawladda iyo u heellanaanta in adeegyada caafimaad si hufan loo gaadhsiiyo dhamaan gobollada dalka si siman.

Wasaaradda caafimaadka JSL, iyada oo ay hoggaaminayaan Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, ayaa si togan u muujisay doorkooda hoggaamineed iyo fahamka ay u leeyihiin muhiimada maamul daadejinta. In tababarku si toos ah loogu qabto Burco, halkii laga sugi lahaa in masuuliyiinta gobolladu u yimaaddaan xarunta dhexe, waa tusaale cad oo ah in wasaaraddu fahamsan tahay in adeeggu uu u baahan yahay inuu tago bulshada halkay joogto, halkii laga sugi lahaa in bulshada ay u timaaddo adeegga.

Tababarkani waxa uu kor u qaadaya xirfadaha hoggaaminta, maamulka iyo adeegsiga habraacyada shaqo ee hay’adaha caafimaadka heer gobol. Waxaa kale oo uu abuurayaa fursad muhiim ah oo la isku-dhaafsado khibradaha, laguna dhiso faham wadajir ah oo ku saabsan jihada guud ee horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.

Waxa lagu bogaadinayaa Wasaaradda Caafimaadka in ay si muuqata u muujisay in horumarka caafimaadku aanu ku salaysnayn kaliya agab iyo daawo, balse uu si toos ah ugu xidhan yahay tayada maamulka, hufnaanta nidaamka iyo daryeelka cadaaladda ku dhisan ee bulshooyinka kala duwan. Waa tusaale la taaban karo oo muujinaya in dawladnimadu bislaatay, isla markaana diyaar u tahay inay la jaanqaaddo baahiyaha dhabta ah ee dadkeeda.

Haddii tallaabooyinkan la sii xoojiyo, waxa la filan karaa in nidaamka caafimaadka ee Somaliland uu noqdo mid la isku hallayn karo, oo ku dhisan nidaam caddaaladeed oo fidaya adeegyo caafimaad oo ku dhisan hanaan cadaalad ah, halkaasoo muwaaddin kastaa heli karo daryeel caafimaad oo tayo leh, meel kasta oo uu joogo.

     
Loading...