Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa...
Wafti ballaadhan oo ka socda Golaha Wakiilada Somaliland, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan ururrada saxaafadda iyo daneeyayaasha xuquuqda aadanaha, ayaa booqasho sharafeed ku tagay Safaaradda Somaliland ee dalka Kenya, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhoweeyey Safiir-ku-xigeenka safaaradda.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd sidii is-dhaafsi xogeed iyo aragtiyo looga yeelan lahaa xaaladda saxaafadda ee Somaliland, gaar ahaan muhiimadda ay leedahay ansixinta xeer saxaafadeed oo waafaqsan dastuurka iyo xuquuqda hadalka.
Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta u dhexeysa hay’adaha sharci-dejinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan.
Intii kulanku socday, ayaa la falanqeeyey arrimo la xidhiudv dimoqraadiyadda, horumarka warbaahinta iyo doorka ay leedahay saxaafad xor ah oo hufan.
Waftigu waxa ay uga mahadnaqeen Safiir-ku-xigeenka soo dhawaynta diirran iyo xogta uu la wadaagay, taas oo ay ku tilmaameen mid qiimo leh oo muujinaysa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya.
Wafdigan ayaa sheegay inay muhiim tahay in la sii xoojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed, gaar ahaan dhinacyada saxaafadda iyo xuquuqda aadanaha, si loo helo bulsho xog ogaal ah oo ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan.