Tan iyo markii uu talada dalka la wareegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa si isdaba joog ah u soo shaac baxay kor u kac ballaadhan oo ku yimid xiisaha caalamiga ah ee la xidhiidha maalgashiga Somaliland. Xukuumadda cusub ee wada-jir iyo waxqabad, waxa ay si firfircoon u billowday horumarinta xidhiidhada maalgashi ee caalamiga ah, iyadoo dardar cusub gelisay himilada ah in dalku noqdo meel ay maalgeliyayaasha caalamiga ahi ay si kalsooni leh ugu soo hirtaan.
Soo-booqashooyin isdaba-joog ah oo ay dalka ku yimaaddeen shirkado waaweyn iyo wufuud ganacsi oo caalami ah ayaa muujinaya in Somaliland laga dareemayo isbeddel cusub oo dhinaca fursad-abuurka iyo maalgashiga ah. Booqashooyinkaasi waxay yihiin muujin cad oo ka tarjumaysa sida ay xukuumaddu u fududeysay gelitaanka suuqyada gudaha iyo sida ay u dhiirrigelisay jawi sharciyeed iyo maamul hufan oo loo dhan yahay.
Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markale wajahaysa fursad istiraatiiji ah oo kobcin karta dhaqaalaha dalka, kadib markii wefti ballaadhan oo ka socda Golaha Sare ee Dhaqaalaha Afrika iyo Carabta ay si rasmi ah u soo booqdeen Hargeysa, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Xukuumadda Somaliland waxay markale wajahaysa fursad istiraatiiji ah oo ku salaysan kobcin dhaqaalaha dalka, todobaadkan ayay ahayd markii wefti ballaadhan oo ka socda Golaha Sare ee Dhaqaalaha Afrika iyo Carabta ay booqasho rasmi ah dalka ku yimaadeen, kuwaas oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Mudane Siciid Maxamed Buraale oo ay weheliyaan Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Eng Maxamed Cilmi Huuno, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdifatax Ismacil Ducaale iyo Agaasimaha Waaxda Maalgashiga Hibaaq Cali Cabdi.
Weftigan oo uu hoggaaminayo Haani Abuu Zeyd oo saldhigoodu yahay Boqortooyada Sucuudiga, waxay booqashadoodu muujinaysaa xiisaha sii kordhaya ee daneeyayaasha caalamka u qabaan Somaliland. Ujeeddada weftiga ayaa ah indha-dhayn, iyaga oo kulammo is-daba jog ah la qaatay madaxda hay’adaha kala duwan ee dawliga ah, iyo qiimeyn maalgashi oo ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, xoolaha, kalluunka, macdanta, iyo ganacsiga guud. Waxa si cad u muuqata in Somaliland ay si xeel dheer u wajahday qorshaha kobcinta maalgashiga gudaha, iyadoo fursad u abuuraysa maalqabeennada dalalka Carabta iyo Afrika.
Arrintani waxa ay daba socotaa dedaallada diblomaasiyadeed ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu ku soo bandhigay dunida, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in la kobciyo xidhiidhka maalgashi, iyo dedaalada Madaxweynaha ee ku salaysan in la dhiso kalsooni caalami ah oo Somaliland ku yeelato suuqyada dhaqaalaha ee gobolka iyo guud ahaan Bariga Dhexe.
Soo dhaweynta weftiga Golaha Sare ee Dhaqaalaha Afrika iyo Carabta waxa ay Somaliland u ifinaysaa waddo cusub oo iskaashi dhaqaale oo dhisan. Waxa ay sidoo kale caddeyn u tahay in natiijada socdaalladii madaxweynaha ee Imaaraadka Carabtu ay ibo-fureen fursado dhaqaale oo casri ah, kuwaas oo laga dhaxli karo shaqo-abuur iyo warshado maxalli ah oo ku saleysan kheyraadka dalka.
Diblomaasiyadda maalgashiga ee Somaliland ayaa markan u muuqata mid aan ku koobnayn hal dhinac, balse ah mid istiraatiiji ah oo furan, iyadoo si deggan loo xoojinayo arrimaha koboca dhaqaalaha qaranka iyadoo laga duulayo danaha shacabka iyo qaranimada.