Maraykanka oo Maqlay Codka Shacabka Somaliland. Qore Daahir Cabdi Ciise

Saturday June 14, 2025 - 18:05:35
hadhwanaagnews
Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka


Muddo lix bilood ah ayay diblomaasiyadda Jamhuuriyadda Somaliland si xariifnimo leh u dejinaysay xeelad qaran oo ku wajahan sidii ay u kasban lahayd garab iyo garowshiiyo caalami ah, gaar ahaan dhinaca quwadaha waaweyn ee reer galbeedka.

Waddadu waa mid loo marayo maqaam sare oo siyaasadeed, xasillooni iyo -ismaamul hufan ku dhisan. Tallaabooyinkan waxa gundhig u ah codka shacabka Somaliland oo mudda dheer dulqaad u muujiyay caalamka, iyaga oo muddadaa dheer ku noolaa xaalad is-xukun ah, nabad iyo doorashooyin xor ah. Codkaas ayaa hadda si rasmi ah u gaadhay Congress-ka Maraykanka.

Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka ayaa si geesinimo leh u curiyay Xeerka Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu jebinayaa aamusnaantii muddada dheer ka jirtay siyaasadda dibadda ee Maraykanka, isagoo si cad u sheegay in Somaliland tahay dal u qalma aqoonsi rasmi ah. Wuxuu xusay in Maraykanku u baahan yahay inuu la shaqeeyo cid la isku hallayn karo, xilli gobolka Geeska Afrika uu la daalaa dhacayo is-bedbedel amni iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Waxaa dareenkiisa taageeray Xildhibaanada Andy Ogles iyo Pat Harrigan. Ogles wuxuu xusay in Somaliland tahay waddan xasiloon, lehna hab-dowladeed shaqaynaya oo la jaanqaadi kara danaha istiraatijiyadeed ee Maraykanka.

Halka Harrigan si toos ah u cambaareeyay ballaadhinta Shiinaha ee Afrika, isagoo ku adkaystay in Somaliland tahay waddan madax-bannaan oo si buuxda isku xukumaya, kana gooni ah xasillooni darrada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Jaamac Gaabuush, oo ah khabiir sare oo lagu yaqaano aragtiyaha dheer ee diblomaasiyadeed, waxay Somaliland ay u baahan tahay siyaasad qaran oo xoojinaysa ka faa’iidaysiga fursadaha iskaashi ee hadda isa soo taraya.

Gaabuush wuxuu aaminsan yahay in aanay Somaliland fursaddan ku iman nasiib, balse ay tahay mid ka dhalatay dadaal, dulqaad iyo fikir qotodheer.

Isagoo xusay in hoggaaminta Madaxweyne Cabdiraxmaan maxamed Cabdillahi cirro oo leh dardar, wacyi diblomaasiyadeed iyo damiir qaranimo ee uu horseedi karo in Somaliland hesho xaqeeda ku aaddan aqoonsi buuxa.

Dareenkaasi wuxuu la jaanqaadayaa xogta ka soo baxaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo si tartiib ah u fureysa dib-u-eegis siyaasadeed oo lagaga gudbayo siyaasaddii "One Somalia Policy” ee soo jireenka ahayd. Ilo diblomaasiyeed oo fadhigoodu yahay Washington ayaa sheegaya in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay la socoto xaaladda Somaliland iyo fursadaha ay ka leedahay dhanka dimuqraadiyadda, nabadgelyada, iyo la dagaalanka argagixisada.

Haddii Maraykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland, waxay noqon doontaa guul istiraatijiyadeed, siyaasad iyo sumcad qaran.

Somaliland waxay heshay isbeddel diblomaasiyadeed oo cad, wacyigelin qaran oo mideysan, iyo hoggaan xambaarsan dulqaad, xikmad, iyo dardar galin fikirka cusub ee ay caalamka kula falgalayso.

Somaliland maanta codkeedu wuu kor u kacay, duniduna si dhugmo leh bay u dhegaysanaysaa. Waxaa la gudboon xukuumadda iyo shacabka Somaliland-ba in ay si qaranimo iyo deganaan leh uga faa’iidaystaan furfurnaantaasi cusub.

Somaliland waa dal. mana aha fikrad, waa xaqiiqo la aqoonsan karo. Codka Maraykanka wuu maqlay, duniduna hadda ayaa furaha gacanta loo gelinayaa Somaliland waxay fadhiisandoontaa goobaha sar sare ee aduunka lagu jaangooyo arimaha xaasaasiga ah.

Daahir Cabdi Ciise.

[email protected].
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...