Qaramaynta Ciidanka Madaniga ah ( Abdi-Shotaly).

Wednesday March 05, 2025 - 03:51:42
hadhwanaagnews
* N.B Hambaliyo Reer Sanaag Oo Ciidama-dooddii Madaniga ahaa Qarameeyey.

Marka waxan hambaliyo u dirayaa beelaha wareejiyey ciidan-kooddii madamiga ahaa ee gobolka Sanaag. Kuwa Qoilugud-na ha sii diyaar garoobeen. Ciidanka madaniga ah ee beeluhu ay samays-teen in la qarameeyaa waa muhiim, tira-ba dhawr sababood awgood:-

(a) Ciidanka Madanigu waa ciidan qabiil leeyahay, oo reerka samaystay ka amar qaata, oo aanay dawalad ama maamul qaran ku shuqul lahayn, ma xukumi karaan, mana sixi ama joojin karaan haddii ay khalad ku kacaan.

(b) Waxay si fudud u sababi karaan dagaal beeleedyo, hadii ay beesha ay ka soo jeedaan iyo beel kale muran dhex maro, dhakhso bay xabadu afka uga bixi kartaa, ilayn marka hore-ba difaaca beesha baa loo sanaystaye, mana jirayso in xukuumadi ay xakamayn karto, sababtu waxay weeye, shuqul kuma laha, amar-na kuma dejin karto in ay ka joojiso iyo hub ka dhigid-toona,

(c) Waa ciidan ka madax banaan wixii aan ahayn beesha ay ka soo jeedeen sidaas darteed go'aan-koodu waa mid beeshoodda u yaala, waxay rabaan ay samayn karaan.

(d) Ciidanka madanigu waxa noqon karaa mid ka barbar dagaalama ciidanka qaranka, sidda Arimaha Sanaag ka socdda, waxase ay tani si yar u abuuri kartaa dagaal ka dhex dhaca Cìidanka Madaniga iyo ka Qaranka, haddii ay in yar oo is-faham waa ahi ay soo kala dhex gasho, taasina dhib-teedda bay keenaysaa iyo kala yaac.

Maxay Qaramaynta Madanigu Faa'iido Leedahay?

Akhristaw, aan kuu soo koobo ama kuugu soo xidho 4 qodob oo faa'iido ah, Kuwaas oo kala ah:-
(1) Arintan qaramayntu waxay yaray-naysaa, in Dagaalo hubaysan oo beeleed ay qaranka ama maamulka ay deegaan-kiisa hoos yimaadaan ay saameeyaan, kana amar qaataan dawladda ka jirta halkaasi
(2) Waxa kaloo faa'iido ah, in la shaqaalay-siiyey, oo ay ciidan dawaldeed imika yihiin, musha-haaro qaataan, waxay doonaana aanay ku kici karan, oo maamulku uu xakamay-naayo.
(3) Ma jirayso in dib dambe ay amar beeleed u qaataan, ama beesha ay ka soo jeedaan, beel ay is hayaan loo adeeg-sado,
(4) Waxa aad uu yaraanaaya, oo meesha ka baxaaya in laba Ciidan Madani oo ka soo kala jeedda e beelood ay si fudud isu hirdiyaan.

Ugu dambayn,waxan ku soo xidhay, arin-tani waa xaajo dhanka sax-dda loo qaaday, ciidanka qaran-kana waa mid awoodoodda kordhinaysa, tayo iyo tiro ahaana sare u qaadaysa, waxa weyn u ah qaran difaaciisa, iyaka laf-tooduna waxay helayaan daryeel ka wacan tii ay lahaayeen maray madaniga ahaayeen, oo ma jirayso qaadhan u soo ururiya iyo ka werwer dambe.

* N.B Hambaliyo Reer Sanaag Oo Ciidama-dooddii Madaniga ahaa Qarameeyey.
Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...