Saaka markii uu fadhigu furmey ayuu guddoomiye Saleebaan,
Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka ciidanka socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha, Xeer Lr. 109/2025.
Xeerkan oo dhawaan ka soo gudbey golaha wakiillada Somaliland, ayaa loo qaybiyay mudaneyaasha golaha guurtida Somaliland, dood kadib guddoomiyaha golahaasi ayaa u saaray guddida nabadgelyada iyo xildhibaano uu ku kabay.
Saaka markii uu fadhigu furmey ayuu guddoomiye Saleebaan, ka dalbadey guddoomiyaha guddi-hoosaadka nabadgelyada inuu golaha la wadaago wax ka beddelkii iyo kaabistii ay ku soo sameeyeen.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase), ayaa golaha faahfaahin ka siiyay qodobada Xeerka ee wax ka bedelka iyo kaabista ku sameeyeen, waxaanu golaha ka codsasay in sidaasi lagu ansixiyo, hawl badan kadib.
Dhageysiga Xeerkan waxa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka socdaalka, isla markaana tallaabo tallaabo ula socday xaalada xeerkani oo Qaranka Laf-dhabar u ah.
Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa golaha ka socday inay gacanta taagan xildhibaanadda ogol inay xeerkan lagu ansixiyo soojeeedintiii guddida iyo hawshii laga qabtay.
55 Mudane ayaa ka soo xaadirey, 50 Mudane ayaa ogaaday, 2 Mudane ayaa diidey, 2 wey ka aamuseen guddoomiyuhuna muu codeyn sidaasi ayuu ku ansaxay.