Golaha Guurtida oo loo Qaybiyey Ajandaha Kalfadhiga 88-aad

Sunday August 17, 2025 - 13:37:27
hadhwaangnews
• Xog ogaal u noqoshada xaaladda abaarta.


Fadhigii saaka ee golaha Golaha Guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii fadhigu furmay waxa uu guddoomiyuhu xoghayaha ka codsaday in golaha loo qaybiyo ajandaha Kalfadhiga 88-aad, kaas oo goluhu ku shaqayn doono inta kalfadhigu socdo.
Ajandaha qodobada ku cusub waxa ka mid ah:
• Ka hawlgalka nabadda Ceerigaabo iyo doorka golaha guurtida.
• Xog ogaal u noqoshada xaaladda abaarta.
• Ka jawaabista khilaafaadka ka taagan gobollada Galbeedka dalka.
• Xal u helista sicir-bararka.
• Warbixinaha guddida joogtada iyo arrimaha taagan.
• Nabadgelyada iyo horumarinteeda.
• Siyaasadda, arrimaha bulshada, deegaanka iyo horumarintiisa.
• Horumarinta dhaqaalaha.
• Ansixinta xeerarka ka soo gudba Golaha Wakiillada.
Gaba-gabadii, Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa mudanayaasha ku booriyay inay soo akhriyaan, si doodiisa iyo ansixintiisa loo gudagalo maalinta Salaada haddii ALLE yidhaahdo.
     
Loading...