Golaha Guurtida S/land oo mahad celin balaadhan u diray Senator Ted Cruz,

Sunday August 17, 2025 - 13:41:29
hadhwaangnews
Xildhibaan Indho Indho waxa uu iftiimiyay in baaqa Cruz uu soo bandhigayo...


Qoraal ku qoran luuqada Englishka oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Golaha guurtida ee Somaliland (Guurti) Mudane C.qaadir Maxamed Xasan (INDHO INDHO) oo nuqul ka mid ahina soo gaadhay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayuu ku sheegay inay ka mahadcelinayaan bayaanka uu soo saaray Ted Cruz ee ku qotoma sidii uu Madaxweyne Trump ugu aqoonsan lahaa Somaliland dal madax-bannaan oo ku jira xudduudihii uu mulkiyey 1960-kii.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in sida uu xusay Senator Ted Cruz ay Somaliland mar ahayd dal madax bannaan, oo ay aqoonsan yihiin in ka badan 30 waddan, oo ay ku jiraan Maraykanka, Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Xildhibaan Indho Indho waxa uu iftiimiyay in baaqa Cruz uu soo bandhigayo guulaha la taaban karo ee Somaliland ka soo hoysay doorashooyinkii nabad-gelyada ahaa ee ay ilaa 2003-dii ilaa hada hirgalisay iyo halka ay ku taallo ee istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed, isagoo intaas ku daray in Somaliland kaalin muhiim ah ku leedahay nabadgelyada gobolka, ka-hortagga argagixisada iyo dedaallada ka dhanka ah la dagaalanka budhcad-badeedda iyo weliba sida ay ugu adkaysan lahayd culaysyada dibadeed ee kaga imanaya nacabkeeda sida Xisbiga Shuuciga Shiinaha.

Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Golaha guurtida ee Somaliland (Guurti) Mudane C.qaadir Maxamed Xasan (INDHO INDHO) ayaa gabo gabadii ka mahadceliyey dadaalka Senator Ted Cruz ee u heellanaanta dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, isagoo intaas raaciyay in aqoonsi ay Somaliland hesho uu wax weyn ka tari doono danaha amniga qaranka Maraykanka iyo kor u qaadida xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
     
Loading...