Ciidanka Boolisku waxa ay xaqiijiyeen in degdeg
Sidaasna waxa lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Booliska, waxaanay caddeeyeen in Howlgalkan sidoo kale lagu soo qabtay dhallinyaradii la doonayay in si sharci-darro ah loo tahriibiyo.
Ciidanka Boolisku waxa ay dheegeen in Kooxdan lagu qabtay hawlgallo qorsheysan, iyadoo la helay xog ku saabsan dhaqdhaqaaqooda.
Ciidanka Boolisku waxa ay xaqiijiyeen in degdeg loo horgayn doono kooxdan wax tahriibinaysay Ha'yaddaha garsoorka.
Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa digniin u diray cid kasta oo ku hawlan ama isku dayda tahriibinta dadka. Waxaanay muwaadiniinta ka dalbadeen in ciddii lagu arko hawlo tahriibin ah lagu soo wargeliyo ciidanka Booliska.