Ciidanka Boolsika gobolka Daad-madheedh ayaa sameeyay hawlgal xili Habeenimo ah kaasi oo ay ku soo qabteen Maandooriyaha Khmriga oo aad u tiro badan, kaasi oo laga soo waariday dalka Itoobiya.
Hawlgalkan ayaa ahaa mid Ciidanka Boolsika gobolka Daad-madheedh ay si xirfad leh u qorsheeyeen isla markaana ugu tallogaleen inay bulshada ka badbaadiyaan Maandooriyaha iyo khashinka dalka la soo gelinayo.
Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Daad-madheedh Gaashaanle dhexe Maxamed Ismaaciil Xirsi ayaa faahfaahiyay hawlgalkan ay Ciidanka Boolsika gobolku ku soo qabteen Khmariga, waxaanu bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loola dagaalamo mukhaadaraadka iyo waxyaabaha halista ku ah amniga waxaanu yidhi
"Waxa mahadleh ILLAAHAY oo nabadgelyo ina siiyay, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaan Ciidankii xalay aan watay ee Khamrigan soo qabtay, iyada oo uu roob badani da’ay, waxa la noo soo sheegay markii uu Khamtrigu xadka ka soo tallaabay, laba gaadhi baanu ahayn roob baanu socon waynay, haddana waxay noqotay in aanu ku guulayso qabashada Khamrigii.
Geesta kale Taliyaha ayaa bulshada Daad-madheedh ka codsaday inay u soo sheegaan Ciidanka Booliska wixii ay la kulmaan ee xumaan ku ah bulshada waxaanu yidhi
"Dadwaynaha waxaan leeyahay sida qoladaasi noogu soo sheegtay, noo soo sheega wax kasta oo xun nooc kasta oo uu yahay, Kootarbaan haddii uu yahay, Khamri haddii uu yahay iyo noo kale oo ka xun haddii uu yahayba”.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Daad-madheedh ayaa tilmaamay inay rabaan ka Ciidan ahaan inay gobolka Daad-madheedh ka dabar jaraan waxayaabaha mukhaadaraadka ah waxaany yidhi
"Haddii ILLAAHAY nafta noo daayo waxaanu doonaynaa in aanu ka dabar goyno gobolkan Daad-madheedh wixii soo mari jiray”.
Gebo’gabadii Cuqaasha, waxgaradka iyo guddida wanaag farista iyo xumaan reebista gobolka Daad-madheedh ayaa soo dhaweeyay tallaabadan ay Ciidanka Boolisku ku soo qabteen Khamriga, waxaanay bulshada fareen inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska si looga hortago waxyaabaha haliska ku ah bulshada gobolka.