Gudoomiye Axmed Isdaber ayaa tilmaamay in wada...
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Muuse (Isdabar), oo salaadii Ciidul-adxa kala qaybgalay shalay shacabka magaalada Ceel-afwayn ayaa sheegay in ay tahay guul wayn oo u soo hoyatay dadka walalaalaha ah ee coolaada ku kala irdhaysnaa mudda tobanka sano ahayd.
10 sano kadib bulshada Ceel Afwayn ayaa fagaare loo qorsheeyey si wada jir ah ugu oogay munaasibada Ciidul adxa kuwaasi oo ku kala maqnaa colaad muddo badan dhex taaley, soo afjarida xalinteeda ayaa ay ku guuleysatay xukuumada haatan talada dalka haysa.
Gudoomiye Axmed Isdaber ayaa tilmaamay in wada tukashada reer Ceel Afwayn tahay mid ka farxisay guud ahaan shacabka somaliland, qaranka, maamulka gobolka iyo gudidii nabadaynta ka shaqaynayey sidii Ceel Afwayn nabad loogo soo dabaalilahaa.
Waxaanu yidhi."Wixii la xukumay waanu daba galaynaa sidii ay u fuli lahaayeen, ka magdiidka ah soo sheega garab ayaanu idinku siinaynaa sidii aanu idiinla qaban lahayn"