hadhwanaagnews
Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Mudane Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa xarunta maamulka gobolka ku qaabilay wafti uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Daahir, oo safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag.
Kulanka dhexmaray masuuliyiinta ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee adeegyada caafimaadka ee gobolka, baahiyaha ka jira xarumaha caafimaadka iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hay’adaha caafimaadka ee ka hawlgala gobolka.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay dardargelinta adeegyada caafimaadka iyo kor u qaadista tayada adeegyada bulshada loo hayo, si shacabka gobolka Sanaag u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh.
Wasiir Ku-xigeenka iyo waftigiisa ayaa la filayaa inay kormeero ku sameeyaan xarumo caafimaad iyo adeegyada kala duwan ee caafimaad ee gobolka Sanaag.