hadhwanaagnews
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim (A.S.C.W.R.W.B),
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Dagaal Culusba Socdoon,
Dadkeenan Qaarkii Ogayn,
Daayinkeenayna Ilaaliyee,
Digtonantenu Way Yartay.
2-Dulmigii Horee Layga Galay,
Dadkeena La Xasuuqi Jiray,
Dumiyeen Degeladii Dhama,
Duulkii Geystay Noolyahiin.
3-Duduub Aniganoo Ku Liqayoon,
Duumaalu Dhacayun Ka Dhigay,
Welina May Dabasocdaanuuno,
Dareenka Dadnimdaan Ku Jirin.
4-Digiigaxashaa Ka Maqanooh,
Dubaaqa Maqalkanay Lahan,
Dunida Waxaba Kama Bartane,
Inaguun Bay Ina Dabasocdaan.
5-Danahoodii Way Daayacmeenoo,
Dariiq Bay Mareen Guracanoon,
Durujaa Iyo Dulinka Buuxaano,
Dibnaba Loo Soo Celin Karayn.
Ismail Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!