WAR CUSUB: Xafiiska Xisaabaadka Guud Oo Tababar U Furay 30 Sarkaal

Wednesday May 06, 2026 - 09:02:21
hadhwanaagnews
Tababarkan oo ay fulinayso hay'adda SCOTRA...


Xisaabiyaha guud ee dowladda Somaliland, Mudane Xasan Muuse Khaliif, oo ay weheliyaan Xisaabiye-xigeenka dowladda Yaasiin Ducaale Barre iyo Agaasimaha Waaxda Cududda Shaqaalaha Xuseen Axmed Kaahin, ayaa tababar laba maalmood soconaya u furay 30 sarkaal oo ka tirsan xafiiska Xisaabaadka Guud.


 

Tababarkan oo ay fulinayso hay’adda SCOTRA ayaa diiradda saaraya horumarinta xirfadaha shaqaalaha, gaar ahaan hoggaaminta iyo anshaxa shaqada (soft skills).


 

Sidoo kale, tababarka ayaa xoogga saaraya maamul-wanaagga, maareynta khataraha iyo u hoggaansanaanta xeerarka, iyadoo la filayo inuu kor u qaado aqoonta iyo waxqabadka saraakiisha dowladda.

     
Loading...