Booliska Dalka Hindiya ayaa sheegay in 204 ay ku dhinteen Shil diyaaradeed

Friday June 13, 2025 - 14:24:52
hadhwanaagnews
Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow xarun caafimaad, iyadoo...


Booliska dalka Hindiya ayaa sheegay in 204 qof ay noloshooda ku waayeen shil diyaaradeed oo ka dhacay dalkaasi.

Shilka ayaa dhacay xilli diyaarad sidday 242 rakaab ah ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Axmedabad ee waqooyi-galbeed Hindiya, kuna sii jeeday garoonka Gatwick ee magaalada London.

Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow xarun caafimaad, iyadoo ay dhakhaatiirtu mar qudha ku baraarugeen.

Diyaaradda oo ahayd nooca Boeing 787-8 Dreamliner waxaa saarnaa 169 Hindi ah, 53 muwaadiniin Ingiriis ah, 7 reer Portugal iyo hal qof oo u dhashay Canada.

Afhayeen booliis oo ka tirsan magaalada Booliska Axmedabad ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated in fursadda lagu heli karo qof ka badbaaday shilkaasi ay aad u hooseyso.

Warar dambe ayaa sheegaya in nin 40 jir ah oo wata dhalashada isku-dhafan ee Hindiya iyo Ingiriiska laguna magacaabo Fishwash Kumar Ramesh uu yahay qofka kaliya ee si mucjiso ah uga badbaaday shilka.
Illaa hadda meydadka 204 qof ayaa la helay.

Diyaaradda oo ku dhacday xarunta caafimaad ayaa sababtay dhimashada ugu yaraan shan arday oo caafimaad bartay, halka ay dhaawacmeen ugu yaraan 50 qof oo kale.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa bartiisa X ( oo hore loo odhan jiray Twitter) ku muujiyay murugo aad u weyn, isagoo sheegay in shilkaasi uu yahay mid ka xanuun badan inta hadal lagu cabbiri karo.
Wuxuu si kal iyo laab ah ugu tacsiyeeyay dhammaan ehelada dadkii waxyeelladu ka soo gaadhay shilkaas.
     
Loading...