Jamhuuriyadda Somaliland waa goob istaraatiiji ah oo ay quwadaha caalamka iyo kuwa gobolku si xamaasad leh ugu tartamayaan. Waxay ku taallaa Geeska Afrika iyo Badda Cas, halkaas oo ay Somaliland saldhig u tahay, iyada oo noqotat goob kulmisay danaha siyaasadeed, dhaqaale, iyo amni ee dalalka awoodda badan, sida Maraykanka, Shiinaha, Ruushka, Iiraan, iyo kuwa Khaliijka.
Warbixin siyaasadeed oo uu dhawaan qoray Angus Anderson, oo uu ciwaan uga dhifay "International and Regional Competition: The Somaliland Model,” ayaa soo bandhigtay in Somaliland ay noqon karto furaha amniga iyo xasiloonida gobolka. "Tani maaha dood ku saleysan damiir ama shucuur qaran, balse waa mid cad oo ku dhisan danaha istaraatiijiga ah ee quwadaha dunida,” ayay tidhi warbixintu. Waxaanay intaasi ku darray "Somaliland, inkasta oo aan la aqoonsan, waa dal leh dhammaan astaamaha dowladnimo: xuduud go’an, dad joogto ah, nidaam sharciyeed iyo doorashooyin xor ah. Waa waddan shaqeynaya balse aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay.”
Anderson wuxuu si xeeldheer u muujiyey in aqoonsiga Somaliland aanu ahayn arrin dan u ah kaliya Somaliland, balse uu yahay xal cad oo wax ku ool ah oo lagu yaraynayo saameynta Shiinaha ee sii kordhaysa, laguna adkaynayo amniga marin-biyoodka muhiimka ah.
"Haddii Maraykanku doonayo in uu ka jawaabo loollanka sii kordhaya ee Badda Cas, waxa ay tahay in uu qiimeeyo xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland. Sida Taiwan, xidhiidhkaas oo noqon karaa mid istiraatiiji ah oo wax ka beddela khariidadda awood qaybsiga gobolka.”
Sidoo kale warbixintu waxay sheegtay in aqoonsiga Somaliland uu yahay fursad ay quwadaha caalamku kaga hortagi karaan caqabdaha cusub ee gobolka, "Aqoonsiga Somaliland ma aha hadal, waa ficil. Waa fursad ay quwadaha caalamka kaga jawaabi karaan caqabadaha cusub ee gobolka, iyaga oo taageeraya dowladda dhabta ah ee shaqeyneysa.”