"Somaliland iyo Loolanka Caalamka ee Xeebteeda Istaraatiijiga ah" Warbaahinta Welt: Warbixin

Wednesday July 09, 2025 - 13:46:13
hadhwanaagnews
"Gobolkan oo ku yaalla Geeska Afrika, wuxuu leeyahay xeeb muhiim ...



Warbixin uu baahiyay saxafiga caanka ah ee Christian Putsch ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay xiligan wajahayso fursado diblomaasiyadeed oo muhiim ah, waxaanu tilmaamay in Somaliland ay albaabka ku soo garaacday fursad cusub oo la xidhiidha aqoonsi caalami, iyadoo laga duulayo istaraatiijiyadda xeebaheeda oo dhereran 850 kiiloomitir iyo dekedda casriga ah ee Berbera.

 

Warbixintan oo ay daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta kala duwan ee caalamka ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika ay leedahay lacag u gaar ah, ciidan suga ammaanka xuduudaheeda, nidaam sharci ah, xasiloon, hannaan dimuqraadi ah, isla markaana ay si joogto ah u qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah.

 

"Gobolkan oo ku yaalla Geeska Afrika, wuxuu leeyahay xeeb muhiim ah oo dhererkeedu yahay 850 km, taas oo ay ku soo jiidatay indhaha quwadaha waaweyn ee caalamka oo hadda si weyan u danaynaya goobta istaraatiijiga ah ee ay ku taallo Somaliland” ayaa lagu yidhi warbixinta.

 

Christian Putsch oo ah saxafi u dhashay dalka Koonfur Afrika, waxa kale oo uu warbixintiisa ku sheegay in Somaliland ay leedahay deked casri ah, kuna taalla goob istaraatiji ah, taasina ay Somaliland ka dhigayso goob ay ku loolamaan quwada waawayni, waxaana lagu yidhi "Dekedda Berbera oo ay maalgelisay dawladda Imaaraadka Carabta oo lagu kharashgareeyay in ka badan $500 milyan oo dollar, ayaa noqotay xarun istiraatiiji ah oo lagu loollamayo. Somaliland waxay leedahay garoon diyaaradeed oo weyn, kuna yaala magaalada Berbera, kaas oo muhiimad ballaadhan u leh arrimaha ammaanka iyo milatariga, gaar ahaan dawladda Mareykanka.”

 

Warbixintan oo lagu baahiyay warbaahin ay mid yihiin Welt.de iyo MSN-NEWS, waxa ay intaasi raacisay "Iyada oo Madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, Somaliland waxay rajaynaysaa in ay kasbato aqoonsi caalami ah oo buuxa, si ay u hesho iskaashi ciidan iyo dhaqaale, iyadoo la filayo in ay siiso Mareykanka saldhig amni oo muhiim ah. Weftiyo Mareykan ah, gaar ahaan kuwa xisbiga Jamhuuriga, ayaa dhowr jeer booqday Hargeysa, sidoo kale waxa mashruuca aqoonsiga Somaliland ee baarlamaanka Maraykanka "Project 2025” lagu soo jeediyay in la tixgeliyo aqoonsiga Somaliland, si loo xakameeyo saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha iyo loollanka ka taagan dekedaha Badda Cas.”

 

"Somaliland waxay muujisay daacadnimo buuxda oo ay u hayso dalalka reer galbeedka, iyada oo Somaliland ay xidhiidh la samaysay Taiwan, tallaabadaas oo ay Shiinuhu si adag uga falceliyeen” ayay tidhi warbixintu waxaanay intaasi raacisay "Edna Adan oo ah halgamaa reer Somailand ah ayaa rejo ka qabta in la joogo wakhtigii la aqoonsan lahaa Somaliland oo uu aad u dhawyahay aqoonsigu "Wuu imanayaa aqoonsigu, waxa la sugayaa go’aanka kama dambaysta ah ee Washington,” ayay Edna u sheegtay Christian Putsch. Waxaanay intaasi raacisay "Cid waliba waxay doonayaa xeebtan dhererkeedu yahay 850 km,” ayay tidhi Edna Adan iyada oo si kooban u muujinaysa qiimaha juqraafiyeed iyo istiraatiiji ee Somaliland leedahay.

     
Loading...