Warbaahinta Black Agenda oo Somaliland ku Sifaysay Taiwan-ta Afrika Marka la Eego Xukunka iyo Dawladnimadda"

Thursday June 19, 2025 - 11:49:51
hadhwanaagnews
Waxa kaloo shabakaddu ka warrantay cilaaqaadka saaxiibnimo



Shabakada Black Agenda Report oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa daabacday Warbixin ay isku barbardhigtay Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan oo ay ku sifaysay labada dal oo iskood isku xukuma oo dimuqraadi ah oo aan caalamka ka haysan aqoonsi caalamiya.

 

Warbixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Somaliland lagu tilmaamo "Taiwan-ta Afrika” marka la eego dhinaca is xukunka, dawladnimada iyo hannaanka dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka xorta ah ee ka taabbogalay.

 

Waxa kaloo shabakaddu ka warrantay cilaaqaadka saaxiibnimo ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan. Waxaanay xustay in 12 dal oo yar yari aqoonsan yihiin madaxbanbnaanida Taiwan. Warsidaha Black Agenda Report wuxuu sheegay in Somaliland oo xornimadeeda ka qaadatay boqortooyada Ingiriiska sannakii 1960 ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii.

 

Waxa kaloo shebakaddu bayaamisay in Somaliland ay xilligan xoojinayso iskaashiga amniga ay la leedahay dalalka midowga Yurub, Maraykanka iyo isbahaysiga NATO. Waxaannu hoosta ka xariiqeen inay Somaliland ku taallo bogcad istaraataji ah, isla markaana leedahay marso caalami ah oo keenaysa in caalamku iskaashi la yeesho.

 

Warsiduhu wuxuu ka xaal-warramay in xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Maraykanka ay ku badanayaan kuwa taageersan madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sidoo kale, waxa warbixinta Black Agenda Report ay tusaale u soo qaatay in Senator Ted Cruz uu taageeray Somaliland, isla markaana sheegay in Shiinuhu uu doonayo inuu wiiqo xidhiidhka iskaashi iyo diblomaasiyaddeed ee Somaliland iyo Taiwan.

 

Ugu dambayn, waxa warbixintu ay sheegtay in Somaliland iyo Taiwan ay yihiin laba dal oo iska shabaha dhinaca dimuqraaddiyadda iyo halganka aqoonsi raadinta, hase ahaatee ay wajahayaan caqabado isku eg oo labada dalba ay ka go’an tahay inay ka gudbaan oo ay helaan aqoonsi diblomaasiyaddeed.

     
Loading...