Warbixinta ayaa xustay in qaybo badan oo ka mid ah bulshada Somaliland
Warbaahinta Fox 5 San Diego oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa warbixin ka qortay haqab beelka cuntada qaarada Africa iyo doorka ay Jamhuuriyadda Somaliland kaga jirto.
Warbixinta ayaa tilmaantay in shirkad ganacsi beeralley ah oo fadhigeedu yahay Magaaladda New York ee dalka Maraykanku ay ka bilowday Somaliland hindise rejo leh oo looga gol-leeyahay in Somaliland laga hirgaliyo hannaan beereed dhaxalyeesha, kaas oo qayb ka ah mashruuca haqab beelka cuntada ee qaarada Africa.
Mashruucan ayaa ku saabsan abuurista iskaashi waara, kor u qaadida isku filnaanta cuntada, iyo dhisidda adkeysiga cimilada.
Warbixintan oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tahay dhul nabdoon oo ay ka jirto hannaan dawladnimo oo cago adag ku taagan.
Warbixinta ayaa xustay in qaybo badan oo ka mid ah bulshada Somaliland ay yihiin Xoolo dhaqato iyo beeralley isla markaana baahi weyn u qaba maalgashi cusub oo wax ka tara wax-soo-saarka beeraha iyo sugnaanta cuntada.
Shirkadan ganacsi oo Magaceeda loo soo gaabiyo AFS, ayaa bilihii la soo dhaafay bilowday samaynta daraasaad ay ku qiimaynayaan deegaanka isla markaana lagu ilaalinayo biyaha, dallagyada adkaysiga leh iyo barnaamijyada ay beerallaleydu rabaan in laga caawiyo.
Warbixintan oo soo xiganaysa xogta hay’adda cuntadda iyo beeraha ee FAO, ayaa sheegtay in xoojinta kaabayaasha beeralayda Somaliland ay fure u noqon doonto sugnaanta cuntada ee mustaqbalka fog, Sidoo kale Alan Kessler, oo ah madaxa shirkadan ee qaarada Afrika ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland iyo dadkeeda kala shaqeeyaan mashruuc wax weyn ku soo kordhin doona wax soo saarka beeraha.
Waxaa kale oo uu sheegay inay u heellan yihiin fursad ay ku maalgashadaan dal Somaliland oo kale ah, isagoo intaas ku daray inay awood dhaqaale, mid farsamo iyo aqoonba u leeyihiin inay Somaliland ka hirgaliyaan isbeddel muuqda oo la xidhiidha casriyaynta habka wax-beerashadda, kobcinta wax-soo-saarka beeraha iyo quudinta xoolaha, taas oo waxtar weyn u noqonaysa Jamhuuriyadda Somaliland.
Horaantii bishii May ee aynu ka soo gudubnay ayaa Wefti ka socda shirkadaasi waxay Somaliland ku yimaadeen booqasho shaqo iyagoo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, iyagoo ku dhawaaqay in mashruuca ay ku maalgashanayaan Somaliland uu ku kici doono lacag dhan $100 Milyan oo Doollar.